Culimada Dalka Oo La Filayo Inay La Kulanto Madaxweynaha

0
649

Hargeysa (Geeska)-Culimada waaweyn ee dalka ayaa maanta la filayaa inay Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la yeeshan kulan ku saabsan xeerka baananka ee hor yaala Golaha Wakiilada, xeerkan oo muran iyo dood badan dhaliyey.

1111111111111

Kulanka dhexmaraya Madaxweyanaha iyo Culimada oo Wargeyska Geeska Afrika ka helay ilo wareedyo ayaa waxa la sheegay inay Culimadu Madaxweynaha uga xog warami doonaan xeerkaas iyagoo ka hadli doono sida uu uga soo horjeedo shareecada Islaamka.

Kulankan ayaa noqonaya haddii  uu qabsoomo kii u horeeyay ee heerkiisa ah ee dhex mara Madaxweyne Siilaanyo iyo culimada dalka.