Cisbitaalka Edna Oo Soo Bandhigay Qaliino Culus Oo Ay Ku Sameeyeen Carruurta Xanuunada Culus Ku Dhalata

0
568

Picture4Hargeysa(Geeska)-Cisbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Edna Aden Hospital ayaa soo bandhigay duruus qiimo badan  oo la xidhiidha sida loo daweeyo ama qaliinka loogu sameeyo carruuraha yaryar ee ku soo dhasha cudurrada dabiiciga ah sida kuwa aan lahayn meel ay ka saxaroodaan ama ay ka kaajaan,kuwa burooyiku ka soo baxaan ama kuwa ay madaxu waynaadaan oo kale,shirkan oo ay ka soo qaybgaleen dhakhaatiirta ajaanibka ah ee ka shaqeeya Edna Hopital, Drs Edna Aadan Ismaaciil,Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Md Yuusuf Axmed Cali,xildhibaanno iyo dadkale oo kamida bahda Caafimaadka Somaliland.

Sidookale shirkaasi waxaa ka soo qaybgalay dhakhaatiir caalami ah oo ka socotay dalalka Maraykanka,Kenya iyo meelo kale kuwaas oo madasha ku soo bandhigay qaliinno markii hore laga cabsi qabay inaan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin balse nasiib wanaagg ay dhakhaatiirtaasi ku guuleysteen inay caruurtaasi ku daweeyaan dalka gudihiisa iyaga oo aan dibadaha loo qaadin.

Richard S. Bransford, MD, FACS oo ah dhakhtar caafimaadka ka shaqeeya ayaa dadkii madasha shirkaasi fadhiyey  u soo bandhigay muuqaallo kaladuwan oo dareenka qofka daawada kicinaya kuwaa soo ahaa caruur-yaryar oo lagu sameeyey qaliinno kaladuwan kuwaas oo qaybo kamida jidhkooda aanay indhuhu qabankarin markii hore sida ay ahaayeen balse gadaal ka noqday wax caadi ah oo kale markii qaliinnada lagu sameeyey.

Drs Edna Aadan oo halkaa ka hadlashay  waxay sheegtya inay si lacag-la’aan ah ugu daweeyaan  caruuraha ku soo dhasha cudurrada noocaas oo kale ah kuwaas oo laga kala keeno dhamaan Somaliya Goballadaeeda kaladuwan “caruurta ku soo dhashay cudurrada aad arkayseen siday u ekaayeen marka naloo keeno waxaannu ku daweynaa si lacagla’aan ah waxaaa caruurahaasi nalooga keenaa Somaliland iyo Somaliya qaybaheeda kaladuwan iyada oo arrimahaa ka hadlaysayna waxaa hadalladeedii kamid ahaa “caruurtaa aad arkaysaa dhibaatadii ka muuqata arkii ore waxaannu ku daweynaa si bilaash ah wax lacagg ah oo laga qaadaana majirto”

iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi Mrs Edna “caruurtaa waxaa laga keenaa Somaliland Gobaladeeda iyo  koonfurta Somaliya”

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Axmed Cali oo isaguna madashaasi ka hadlay isla markaana si rasmiya u furay shirkaasi waxa uu sheegay inay sababaan cudurrada noocan oo kale ah inay caruurtu ku soo dhashaan iyada oo aanay hooyooyinku marka ay uurka leeyihiin  si ku haboob ula xidhiidhin goobaha caafimaadka si loogalataliyo dhibaatooyinka caafimaad-darrada ah ee soo wajihikara caafimaadkooda iyo kan caruurtoodaba “cudurradan waxaa keena dumarka oo aan marka ay uurka leeyihiin si fiican ula xidhiidhin dhakhaatiirta si loogula taliyo danaha caafimaadkooda” ayuu yidi Mr Yuusuf.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu dhawaan ka soo laabtay dalka Suudaan isla markaana uu la kulmay dhakaatiirta dalkaasi kuwaas oo u balann qaaday inay Hargeysa imandoonaan sanadkan dabayaaqadiisa iyaga oo tababaridoona dhakaatiirta Somaliland isla markaana ciddii ku guuleysata imtixaanaadka ay qaadidoonaan ay siin doonaan wabaasho caafimaad oo bilaasha dalka Suudaan “dhawaan waxaan ka soo labatay dalka Suudaan waxaanan halkaa kula  kulmay dhakhaatiirta dalkaasi waxaaanay Somaliland u ballan qaadeen inay inoo soo diridoonaan dhakhaatiir kuwaas oo inoo tababaridoona dhakhaatiirteenna isla  markaana waxay ii sheegeen inay qaadidoonaan imtixaan guud oo ciddii ku guuleysata ay dalkooda ugu diridoonaan waxbarasho caafimaad oo bilaash ah” ayuu yidhi Md Yuusuf Axmed Cali.

waxaa iyana halkaa warbixin qiimo badan ka soo jeedisay Drs Deeqa oo kamida dhakhaatiirta Somaliland ee dalka gudihiisa wax ku baratay isla markaana samaysa qaliinnada kala duwan Drs Deeqa waxay soo bandhigtay muuqaallada caruuro kaladuwan oo ay daweysay kuwaas oo qabay markii loo keenay cudurro kaladuwann oo ay iyaga iyo waalidkooda dhalibay dhibaato baaxad leh ku qabeen,waxaa iyana halkaa ka hadlay dhakhaatiir caddaan ah oo dalaka UK iyo meelo kale ka yimid sidii aan soo sheegnayba.