Cali-Gurey Oo Si Kulul U Weeraray Wasiir Cali Warancade

0
576

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey, ayaa soo dhaweeyey hadal dhawaan madaxweynahii hore ee Somaliland uu raaligalin ka bixiyey burburkii ku yimi xisbiga Udub, waxaana uu wasiirka Arrimaha Gudaha Md.Cali Maxamed Waran-cadde ku eedeeyey in aanu ahayn nin qaran oo danta qaranka awgeed wax u baabiin kara.

Mujaahid Cali Gurey, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wariye Badri Koosaar oo ka hawl gala talefeeshanka Star, waxaana uu carabka ku dhuftay in Cali Waran-cadde yahay oo qudha nin naftiisa u nool.

“Cudur daarkan imika, dee bani-Aadamku waa uu qaldamaa oo haddii uu qaladkiisa qirtay waa wax la soo dhaweyn karo, laakiin anigu ninka aan la hadlayaa, waxa weeye Cali Waran-cadde oo ku faanay waxaan burburiyey oo soo burburiyey xisbigii Udub, hankiisuna sida uu Rayaale sheegay aanu dhaafsiisnayn Wasiir, Cali maaha nin qaran oo qaran wax u doona isagu waxaa uu yidhi danta qaran awgeed ayaan u baabiiyey e’  isagu nin qaran, nin qolana maaha, nin qoysna maaha, waa nin qof oo Cali naftiisa ma dhaafsiisna.”.Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.