Boqor iyo Burjuwaas

0
735

Abwaan Guuleed Axmed Yuusuf

Waxa la wada joogaa casuumad ballaadhan oo uu Boqorku sameeyay. Halkan waxaa ceegan mudankii ummadda, iyo madaxdii taliska.  Boqorka garabkiisa nin xakiim (Burjuwaas) ah oo wax-garad ah ayaa fadhiya oo sheekadiisa boqorka ayaa xiisaynayaa, waana sababta labadoodu isu fadhi xigaan. Cuntadii gacmaha ayaa lagula jiraa oo cunisteedii ayaa socota. Boqorku cantuugo raashin ah oo afkiisa gaadhay ayuu intii aanu liqin ka soo dhexqabtay laf aan weynayn oo raashinka u raacday!  Intuu soo saaray laftii oo uu eegay, xaqiijiyayna inay laf tahay, aadna aanay u weynayn, ayuu muu tuurine waxa uu yidhi; “Tani waxba i yeelimayso!” Markaasuu afkiisii dib ugu celiyay oo calaaliska ku daray! Burjuwaaskii oo arkaaya ayaa hoos ugu yidhi, “Boqoroow, lafta ha liqine iska soo tuf.” Boqorkiina kaftan ilaaqi ku jirto ayuu ugu hal celiyay; “Waar heedhe waxba waanad garanayne, lafuhu hilibka la cuno iyagaa ka dawo badan, bahalaha hilib cunka ah, miyaanad arag? Cadka lafta ayay ka jecelyihiin, waana waxa ay ku ogyihiin.” Ninkii xakiimka ahaa hadba wuxuu yidhaahdaa, “Mudane lafta ha liqine iska tuf.” Boqorkina ma shu’aysto e, tiisuu wataa. Ugu danbayn, burjuwaaskii waxa uu boqorkii ku yidhi, “Mudane waxa aad diidday sheegmadii carrabkaaga, oo waaxa aad diidday sheegmadii caqligayga, haddaba sheegmada cunahaaga ayaanad diidi doonin!”

 

Boqorki isaga oo qoslaya ayuu laftii liq is yidhi, laakiin wuu ku mergaday. Durba shaqaalihii u qeybsanaa caafimaadka Boqorka ayaa degdeg uga hawl galay caqabaddan furdaaminteeda. Waana lagu guulaystay. Ladnaan ka dib Boqorkii waxa uu si xurmo leh ugu yeedhay ninkii burjuwaaska ahaa. Waxaana uu codsi garoow iyo qadderini ku jirto ku weyddiistay inuu la taliyo. Ninkii burjuwaaska ahaa waa uu ajiibay dalabkii boqorka, isaga oo la talinnayana waxa uu yidhi; “Boqoroow sida aanay shicib uga maarmi karin hoggaamiye, waa sida aanu hoggaamiyena uga maarmi karin cid la talisa. Sidaa darteed, maaddaama oo aad adigu u darbantahay u talinta ummadda, waa inaad yeelataa, khuburo iyaguna u darban la talintaada. Waana inay ahaadaan, qaar aan runta kaa hagran, kaalana habran. Boqoroow, dawladdaada qof waliba xilka uu garanayo u dhiib, dabeed xorriyadna u raaci shaqadiisa, haddana xogoggaal ugu ahaw. Xorriyadda aad siiso shaqaalahaagu adiga xurmo ayaa kaaga kordhi, iyagana xil-kasnimo ayaa uga kordhi. Xogoggaalnimadaadana, demmanahooda  ayaa ku foojigo qaadan. Khaa’inkooduna wuu ku digniin qaadan, daacaddooduna way ku rajo qaadan. Intaa waxa raacda, shaqaalahaaga kibir ha tusin, kaftanna ha barin!”

 

Boqorkii: “Cid xil loo dhiibto ciddee ayaa ugu habboon?”

Burjuwaaskii: “Waxa ugu habboon qof aad adigu taqaanno, isna ku yaqaanna, shaqada aad u diranaysana yaqaanna. Sidoo kale, qof saaxiibtinimada ilaalin kara. Qofka saaxiibtinimada ilaalin karaana, waa qofka sirtaada ilaalin kara. Qofka labadaa ilaalin karaana, waa qofka shaqada idinka dhaxaysana ilaalin kara.”

Boqorkii:  “Yaad i odhan lahayd xil ha u dhiibaan?”

Burjuwaaskii: “Ammaantiisa oo aad maqashay qofna xil ha ugu dhiiban. Abaal idinka dhexeeyana qof xil ha ugu dhiiban. Sidoo kale.  Ehel aad tihiinna qof xil ha ugu dhiiban.”

Boqorkii wuxuu yidhi: “Dadka igala tali iyaga maxaan ka yeelaa?”

Burjuwaaskii: “Caddaaladdaadu hadday wada gaadho, oo aad u xaq-soorto, codkaaguna wuu wada gaadhi, oo way ku maqli. Midda kale, dadkaaga, kal hooyo iyo korinteeda u lahaw, kalgacal ayaad kaga mudane. Kas aabbo iyo keenistiina u lahaw, karaamayn ayaad kaga mudane. Ta saddexaad, dadka mijahooda iyo mudankooda ba ilaali.

Mijahooda sida aad u ilaalinaysaa waxa weeye; qasnadda dawladda mushahar shaqaale iyo masaaliix guud ka dib, masaakiinta qoondo uga samee, oo noloshooda ku kaab.

Mudankoodana sida aad u ilaalinaysaa waxa weeye; bulshadu waa guryo badan, guri walibana miftaax lagu furo, ayuu leeyahay, fadlan furayaasha guryaha ha iska dayicin, fure kastaana sida uu u haysmo u hayso.

Dadku dawladdaada waxa ay uga baahanyihiin, hawl wax qabad oo ay midha-dhal ka helaan iyo hadal wax-sheegmo oo ay madaddaalo ka helaan. Qaybta hadalka waayeel da’weyn ah u dhiibo. Qaybta hawshana wiilal da’yar ah u diro.

 

Ha gacan adkaan sideedaba na boqoroow, bakhaylku waa qof aamminsan in maalku dadka samayeeyo, halka deeqsiguna ka aamminsanyhay inay  dadku maalka sameeyaan.

Midkasta oo labadan ka mid ahina awooddiisa madaxnimo waxa uu uga faaii’daystaa, dhisidda wixii uu jeclaa. Sidaa darteed, way fududdahay in la arko hoggaamiye deeqsi ah oo maalkiisa u burburinaaya inuu dad samaysto. Sidoo kale way fududdahay in la arko Hoggaamiye dhabcaal ah oo dadkiisa u burburinaaya, inuu maal samaysto.”

Boqorkii: “Nabadda sideen u ilaaliyaa?”

Burjuwaaskii: “Nabadda caddaaladda ayaa ilaalisa.”

Boqorkii: “Nabadda iyo caddaaladda maxaa isku xidhay?”

Burjuwaaskii: “Boqoroow anigu waxa aan dhalay laba carruur ah oo mataano ah. Waa shan jirro iyagu is jecel, anna aad ii jecel. Haddaba waxa aan samayn karaa, arrin carruurtaydu aanay igu nici karin, iyaguna isku nici karin. Waxa kale oo aan samayn karaa, arrin ay iyagu isku nici karaan, anna igu nici karaan. Mar kale waxa aan samayn karaa, arrin ay aniga igu wada nici karaan, laakiin aanay iyagu isku nici karin.

Waa ta koobaade, habeen walba nacnac ayaan u keenayaa, si isku mid ahna waan ugu qeybinayaa, iyagu isma nacayaan, anna ima nacayaan.

Waa ta labaade, habeen ba mid labadooda ka mid ah ayaan nacnaca wada siinayaa, ka kalena waan qadinayaa, waxaana aan ku amrayaa ka aan wax siiyay, inuu ka aan qadiyay hortiisa ku wada cuno, waxna aanu ka siinnin. Marka aan sidan sameeyana iyagu way is nacayaan. anna way i nacayaan, waayo? Habeenba ka qatan ayaa i neceb, habeen walbana labadoodii mid ka mid ah ayaa qatan.

Ta saddexaade aan samayn karaa waxa weeye. Inaan labadaba nacnaca keenistiisa ka joojiyo, islamarkaana aanan midkoodna salaamin, dhunkannin, lana ciyaarin, markaana iyagu isma nacayaan, laakiin aniga way i nacayaan, sababtoo ah?   Waxa aan gabay dhammaanba xilgudashadii aabbonimo. Meel aan xilgudasho jirinna, caddaaladi ma jirto. Meel aan caddaaladi jirinna jacayl ma jiro. Meel aan jacayl jirinna nabadi ma jirto. Masuuliyadda dawlad iyo dadkeeda ka dhaxaysaana waa sidan uun.”

 

Boqorkii: “Ma jirtaa sabab ii fududdayn karta inaan caddaalad sameeyo, oo aad igu la talin lahayd?”

Burjuwaaskii: “Haa. Markasta oo aad si dhammaystiran u gudato xaqa uu khaaliqu kugu leeyahay oo  cibaadada ah, waxa kuugu xigaysa inaad si fudud u gudato xaqa makhluuqu kugu leeyahay oo caddaaladda ah. Marka aad ka gaabiso xaqa cibaado ee khaaliqa na, waa marka aad ka gaabinayso xaqa caddaaladdeed ee makhluuqa.”

Boqorki: “Xukunkan aan haysto yaan uga baqdaa?”

Burjuwaaskii: “Xukunka waxa kaa qaadi kara, ninka markuu kula joogo dad aanad haysan kuu keeni kara. Marka uu kaa maqanyahayna dad aad haysatay, kaa kaxayn kara.”

Boqorkii: “Oo dad yaa kaxaysan kara? Maxaase lagu kaxaysan karaa?”

Burjuwaaskii: “Dad laba Nin ayaa kaxaysan kara: Waa beenaale Cod-kar ah oo carrab u adeegsada, amma burjuwaas cabqari ah, oo caqli u adeegsada.”

Boqorkii: “Dad yaa ugu wanaagsan?”

Burjuwaaskii: “Waxa ugu wanaagsan qofka si nasteex kuula jooga, amma si nacab kaaga maqan.”

Boqorkii: “Yaa ugu xun?”

Burjuwaaskii: “Waxa ugu xun qofka fagaaraha kaa caaya, faqana kuugu cudur-daarta.”

Boqorkii. “Ii Ducee.”

Burjuwaaskii: “Waxaan kuugu duceeyay ‘Barako’.”

Boqorkii: “Barakada ii macnee?”

Burjuwaaskii: “Boqoroow laba wiil oo walaalo ah, ayaa midkood, dad aanay is aqooni odhanayaan, “wiilkaa waxbaanu isu nahay.” Midna dadkii xigtadiisa ahaa ayaa odhanaya; “Waxba isuma nihin.” Sababtuna waxa weeye, labada wiil mid ka mid ahi, wax kasta oo lagu nici lahaa, ayuu waayay. Ka kale na waxkasta oo lagu jeclaan lahaa ayuu waayay. Barakada dadka iyo baraka la’aantooda tusaaleheedu waa intaa.”