Baratanka Hillary Clinton Iyo Donald Trump

0
561

Waxaa Salaasadii codbixinta is-reeb-reebka murashaxiinta Madaxweynaha Maraykanka lagu qabtay sadex gobal oo kala ah Arizona, Utah iyo Idaho.

Dhinaca xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay gobalka ugu muhiimsanaa codbixintii oo ah gobalka Arizon oo ay heshay in ku dhaw 60% cododka, gobalka Arizona ayaa leh tiro ah 75 ergada xisbiga Dimuquraadiga kuwaasi oo ugu danbeyn ka qeyb galaya shirweynaha xisbigaasi ee lagu magacaabayo murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi uga qeyb gali doona tartanka Madaxweynaha ee bisha November.

Murashax Senator Bernie Sanders ayaa docda kale ku guuleystay labada gobal ee Idaho iyo Utah, gobaladaasi oo isugeyn kasoo galayaan ergo gaadheysa 56.

Gobalka Arizona ayaa ergada loo kala qeybin doonaa Hillary iyo Sanders, maadaama xisbiga Dimuquraadiga uu ergadiisa gobalada ka imanaya ku saleeyo % cododka murashaxiintu kala helaan. Halka xisbiga Jamhuuriga dhamaan ergada gobalka uu qaato Murashaxa ugu cod badan nidaamkaasi oo loo yaqaan (The winner-takes-all’-systeem).

Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa codbixintii Arizona ku guuleystay Maalqabeenka xagjirka ah ee Donald Trump oo helay 47% cododka gobalkaasi ee xisbiga Jamhuuriga, waxaana kaalinta labaad galay Murashaxa Ted Cruz oo helay 21% iyo Murashaxa Sadexaad Guddoomiyaha gobalka Ohio John Kasich oo helay 10% cododka.

Murashaxa labaad ee Jamhuuriga Ted Cruz ayaa isagu ku guuleystay codbixintii gobalka UTAH, gobalkaasi oo ay ku badan yihiin masiixiyiinta loo yaqaan Mormons, wuxuuna Cruz sidoo kale hore ugu soo guleystay codbixintii gobalka Idaho oo horey u dhacday.