Khrushchev saaxiibbadii xitaa kamay nabadgelin:
Khrushchev saaxiibbadii qudhooduna kama ay nabadgelin yasiddiisa iyo ereyadiisa dhaawacaya qalbiga. Tusaale ahaan Khrushchev waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey illaa imikana ugu dambeeyey ee weli ku dhiirraday in uu ereyo jees-jees ah uu meel madal loo dhan yahay kaga yidhaahdo hoggaamiyihii awoodda badnaa ee Ruushka Joseph Stalin oo isaga xukunka uga horreeyey, dad badanina u arkayeen in uu ahaa halyeey.
Rag badan oo garabkiisa ahaa ayaa ka biyo diiday sida foosha xun ee uu Khrushchev u bahdilo sumcadda hoggaamiye Stalin, maalin maalmaha ka mid ah oo uu madal madax badani joogaan oo wax lagu weydiinayey si aad ah u naqdiyey meel-ka-dhacyadii uu Stalin u geystay xuquuqda aadamaha, iyo dembiyadii foosha xumaa ee dhacay xilligiisii, ayaa mid raggii madasha fadhiyey ka mid ah oo u adkaysan waayey hadalladaasi waxa uu u soo qoray warqad yar oo uu ku weydiinayo, sababta waxan oo dhaliilo ah uu u sheegi waayey xilligii Stalin noolaa ee uu aamusnaa isaga oo ka mid ah masuuliyiintii dalka?! Laakiin ninka warqaddan soo qoray magaciisa waa uu qariyey warqaddana waxa uu ku soo dhex daray uun waraaqihii su’aalaha lagu weydiinayey.
Khrushchev warqaddan su’aasha lagu weydiiyey ayaa uu cod dheer ku akhriyey. Kadib dadkii golaha fadhiyey ayaa uu ka codsaday bal in uu is sheego ninka su’aashaas soo weydiiyey… cidi kuma ay dhici karayn oo nin sidaa loogu soo degdegi karo ma’ uu ahayn, sidaa awgeed ninkii su’aasha soo qoray waa uu is qariyey. Kadib Khrushchev waxa uu yidhi, “Annaguna sida ninkaas oo kale ayuun baa aanu uga baqan jirnay ayaamihii Stalin in aanu u sheegno mawqifkayaga iyo dhaliisha aanu u hayno”
– Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Khrushchev uu ka sheeyeeyey hannaankiisii shaqo, waxa uu sheegay in xoghayntiisa uu ku amray in warbixinnaha ay u soo gudbinayaan ay u qaybiyaan laba qaybood. Qaybta hore oo ah ta muhiimka ah ee ay waajibka tahay in uu akhriyo, iyo qaybta ay tahay in aanu waqti badan ku lumin akhriskeeda. Khrushchev waxa uu sheegay in warbixinaha ay xoghayntu u soo diyaariso iyada oo sidaa uu ka dalbaday ay u qaybiyeen uu wada akhriyi jiray isaga oo weliba ku horumaraya kuwa ay iyagu ku sheegeen in ay yihiin kuwii aan mudnayn in uu waqti ku lumiyo. Waxa uu sheegay in mar kasta kuwa ay iyagu ku sheegaan macno darradu ay yihiin kuwa muhiimadda aadka ah leh! Waxaa laga dheehan karaa in Khrushchev uu u duur xulayey in dadka hoggaamiyaha ku xeerani ay marar badan si qaldan ugu warbixiyaan hoggaamiyaha, ama arrimo muhiimad leh ay u sahlaan.
– Khrushchev markii uu muddo waday dadaalkii uu doonayey in uu ku dhiso Shuuciyadda, isaga oo sida la sheegay bilowgii aad ugu qanacsanaa in muddo labaatan sano gudaheed ah ay Shuuciyaddu noqon doonto awoodda keliya ee dunida ka jirta, Hantigoosadkana la waayi doono. Nasiib darro Khrushchev waxa uu arkay xaqiiqada gaabiskii iyo fadhiidnimadii soo waajahday xisbigii Shuuciga ee caanka ahaa. Markiiba waxa uu dagaal afka ah oo aanu qarsanayn ku qaad-qaaday masuuliyiintii Xisbiga Shuuciga iyo raggii loo arkayey in ay yihiin hoggaanka ruuxiga ah ee mabda’a Shuuciga dabka u shida. Golayaasha ugu sarreeyey Shuuciga oo laga baqan jiray ayaa uu si badheedh ah inta uu fagaarayaasha soo istaago u naqdiyi jiray, waana kii mar lahaa, “Xitaa ma fahmayaan ruuxda casriga ah. Waa aan ka daallay, oo caafimaadkii iyo kartidii ayaa iga dhintay sidii aan ula macaamilayey Jaaleyaal aan waxba fahmayn oo aan doonayn in ay fahmaan”! Hadalkan badheedhka ah Khrushchev waxa uu lahaa goor ay quus kala taagnaayeen raggii ay wada hoggaaminayeen Midowga Soofiyati iyo culimadii Shuuciyadda, waxaana taas ka marag ah dhacdada xigtay oo hoos ku xusan.
– Hoggaankii xisbiga Shuucigu ay si qarsoodi ah go’aan ugu gaadheen in ay xukunka ka leexiyaan Khrushchev, laakiin dhegweyn ma’ uu noqon ee si fiican ayaa uu u akhristay sida ay wax u socdeen. Si uu arrintan u sii xaqiijiyo waxa uu warqad u diray taliyihii sirdoonka iyo guddoomiyihii golaha sare ee Soofiyatiga, isaga oo ka waraysanaya bal in ay war ka hayaan xog soo gaadhay oo sheegaysa in xukunka laga qaadayo. Labadii masuul midkoodna uma uu soo jawaabin Khrushchev.
Isla maalin ka hor markii xukunka laga qaadi doono ayaa waxaa hawada sare ka soo noqday dayax-gacmeed uu Midowga Soofiyati hore u diray. Sidii caadadu ahaan jirtay markii cir-bixiyeenkii dayax-gacmeedka waday uu ku soo degey saldhiggii dhulka ma’ uu salaamin madaxweynaha dalka. Iyada oo uu nidaamka loo bartay ahaa in qofka ugu horreeya ee uu la hadlaa uu noqdo hoggaamiyaha oo uu isgaadhsiinta ka salaamo. Markaas ayaa uu Khrushchev xaqiiqsaday in saaxiibbadiisii xisbiga Shuucigu ay u tashadeen, xukunkana laga qaadayo.
Arrinta xiisaha gaarka ah yeelatay waxa ay ahayd sidii uu Khrushchev ku qaabilay arrintan. Dad badan ayaa filayey in sida imikaba dhacdo hoggaamiyuhu marka uu dareemo in xukunka laga tuurayo uu is-adkeeyo oo xulafo samaysto dalkan qasaawasalan geliyo ama cudud kursiga uu ku difaacdo. Taasi ma’ay dhicin ee Khrushchev markii golaha sare ee Shuucigu uu u soo diray warqad uu ugu ka dalbanayo in uu ka soo qaybgalo wax loogu yeedhay kulan degdeg ah, Khrushchev si dhego nugul ayaa uu u tegey madashii kulanka. Sidii uu filayeyba markii kulankii la furay waxaa loo sheegay in kulankani daarran yahay cod u qaadista maamuus ka xayuubintiisa, oo la doonayo in masuuliyadda dalka laga qaado. Laakin cod hortiisa ka dhacaya lagu ansixin doonto xil ka qaadistaas.
Khrushchev cadho iyo warwareeg midna lama uu iman ee waa uu soo dhoweeyey arrintii, waxase saaxiibbadiisii hoggaanka sare ee xisbiga yaab ku noqotay markii lagu dhawaaqay in codka maamuus ka xayuubinta Khrushchev gacanta loo taago ee uu isagii (Khrushchev) noqday qofkii ugu horreeyey ee gacanta u taagay in xukunka laga tuuro. Dhammaad.