Badowgii Quwadda Adduunka Hoggaamiyey Xilligii Ugu Adkaa Kamaal A. Cali (Q:3aad) kamaal02@yahoo.com

0
727

Marka aynu sida quruxda badan u nidhaahno Mao Zedong waa hoggaamiyaha dhisay dalka China ee casriga ah. Xinfiltan weyn ayaa ka dhexeeyey Midowga Soofiyati oo marka hore mabda’a Shuuciga ay ku wada socdeen, balse isagu marka dambe ka durkay oo nidaam Shuuci oo u gaar ah curiyey. Hoggaamiyahan aadka loo ixtiraami jiray ee Mao Zedong ayaa markii uu kacaankii Shiinaha dabka u shidayey, waxa uu khilaaf soo dhexgalay dalka Midowga Soofiyati oo uu ku eedeeyey in ay xiisaynayaan in nabad ay kula noolaadaan Imbiraadooriyadihii reer galbeedka ee dunida gumaysigeeda u baratamayey, oo arrintaas darteed uu Midowga Soofiyatu u dayacay  xaqiiqada isu-dheelli tirka quwadaha adduunka. Waxa uu Mao u duur xulayey Midowga Soofiyati in uu difaaci waayey markii Maraykanku jasiirado China ka mid ah xoog ku qabsaday.

China awood ay Maraykan iskaga celiso ma’ ay lahayn, sidaa awgeed dhulkeeda la qabsaday jawaabta ay ka bixinaysay waxa ay ku koobnayd uun cambaarayn iyo hanjabaad aanu ficil abidkii raacin. Iyada oo xaalku halkaa adag marayo ayaa uu Khrushchev oo ka jawaabaya eedda China u soo jeediyey ee ah in aanu garab istaagin iyo cabashadiisa, waxa uu warqad u dirray hoggaamiyaha China, waxa aanu ugu soo halqabsaday maahmaah loo arkay in ay meel ka dhac ku tahay anshaxa xidhiidhka diblumaasiyadda. Khrushchev waxa uu u qoray,”Xaalkaagu waa sida nin, maalin kasta xaaskiisa ku qabanaya iyada oo nin kale la jiifta, waxa keliya ee uu kaga jawaabayaana uu yahay uun in maalin kasta uu ugu hanjabo in uu furayo, balse aan wax ficil ah ku darin”

– Hoggaamiyahan badownimada ku caano maalay, xitaa marka uu dhacdooyinka caalamiga ah ee muhiimka ah ka hadlayo sidaas yasidda iyo macno tiridda ah ayaa uu isaga hadli jiray. Hadda waa halka hoggaamiyeyaasha kale ee dunidu ay ugu cabsida badan yihiin, ee ereyada ay dooranayaan iyo sida ay u odhanayaan ay khubaro iyo la taliyeyaal aad u heersarreeyaa si weyn uu rog-rogaan, oo dhan walba ka saxar tiraan, si shakhsiyaddiisa, shacbiyaddiisa, karaamada dowladdiisa iyo sawirka dibadda ee dalkiisa aanay bar madow ugu noqon ereyada uu yidhaahdaa.

Khrushchev isaga oo mar ka hadlaya labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ahaa isu weyd-weydaarta uun talada dalka, doonayana in uu dunida oo dhan u sheego in magaca uun ay labadan xisbi ku kala duwan yihiin ee aanay siyaasad iyo diblumaasiyadi u dhexeyn waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa laba kabood oo lug keliya uun la geliyo”

– Badowga warkiisu intaas kuma koobna; mar kale oo uu dalka Masar kaga qaybgalay xaflad aad loo soo agaasimay oo loogu dabbaal degeyey markii Masar ay du’day biyo shubka webiga Niilka si ay dadkeeda iyo dalkeeda uga faa’idayso, ayaa madaxda dunida ugu caansan ee ka soo qayb galay oo uu ka mid ahaa, waxaa isna ku jiray madaxweynihii xilligaas ee Ciraaq Cabdisalaan Caarif.

Madaxda caalamiga ahi sida caadiga ah munaasabaddan waxa ay ka jeediyeen khudbado hambalyeyn iyo soo dhoweyn u badnaa, nin kastana waa loo sacab tumay, laakiin waxaa Khrushchev hinaase gaar ah ku abuuray sacabka loo tumay madaxweyne Cabdisalaan Caarif oo ahaa sacab aad uga badan kii isaga, waa Khrushchev ee, loo tumay markii uu hortii yar hadlayey.

Madaxweynaha Ciraaq khudbaddiisa ayaa martidii iyo shacabka Masar ay sacab yaab leh oo xad dhaaf ah ku soo dhoweeyeen, cadho ayaa uu is madax maray Khrushchev oo quwaddii adduunka tiir ka mid ah hoggaaminayey, kadib waxa uu si badheedh ah u aflagaadeeyey madaxweyne Cabdisalaan Caarif isaga oo muujinaya in uu aad ula yaabay soo dhoweyntan iyo taageeradan xad dhaafka ah ee loo muujiyey ninkan, oo uu ku mesaalay in uu adhi (Neefka) yahay.

– Markii mushkiladdii deyrka Baarliin ee 1960kii halkii ugu kululayd gaadhay, iyada oo diblumaasiyaddu cakiran tahay, dalalkii galbeedka iyo bariga iyo xitaa kuwii isu bahaystay dagaalka Naasiga oo ahaa galbeedka iyo Ruushku ay aad isugu khilaafsan yihiin deyrkan, laakiin sida diblumaasiyadda dunida u taallaa ay tahay, ay cid kastaa dhowrayso ereyada ay ku tiraabayso si aanay gaasta kabriid ugu sii qaban ayaa hoggaamiye Khrushchev inta uu iska hadlay waxa uu aflagaaddo yaab leh dusha ka saaray Janaraal Lucius Clay oo ahaa sarkaalkii Milateri ee Maraykanka ahaa ee markii Jarmalka la qabsaday dagaalkii Labaad loo dhiibay xukumidda Jarmalka. Janaraalkan oo ahaa nin awood badan oo wakiil ka ah madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka John F. Kennedy ayaa uu Khrushchev ku sheegay nin aan ku fiicnayn Janaraalnimo ee Kabo-talo in uu noqda ay uga fiicnaan lahaa, waxa aanu hadalkiisa u dhigay si uu isaguna isku ammaanayo oo ah, “Sida aanan ugu fiicnayn in aan kabo-tole (Kaboole) noqdo ayaa aanu isna Janaraalnimo ugu fiicnayn” Aflagaadaynta Maraykan Khrushchev intaas kagama uu hadhin oo marar badan oo kale ayaa ay ka soo yeedheen ereyo Maraykanku aad uga xumaaday dunida meelo badanna u arkeen maadays iyo wax lagu qoslo. Waxa kale oo aynu xusi karnaa markii uu weerar afka ah oo qaawan uu ku qaaday Richard Nixon markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenkii Maraykanka ee xilligii uu madaxweynaha ahaa Eisenhower. Waxa u ku sheegay nin fariidnimadu aad ugu yar tahay, oo aan ixtiraam mudnayn. Waxa uu ku tusaaleeyey in uu yahay Macdaar yar oo dadka khiyaameeya, kana xishoon waayey in uu iibiyo kalluunka qudhmay iyo sonkor gaas iyo shidaal ku dhexdaatay inta ay ka dheregtay dosoq noqotay. La soco…