Sanadkii 1978kii ayaa Aqoonyahanno Afrikaan ihi Maraykanka ku aasaasay ‘ Ururka Aqoonta Afrika’ (African Studies Association, ASA). Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday ururkaas. Shir ay xilligaas gooni u yeesheen Soomaalidu ayaa, iyagu na, aasaasay Ururka Adduunka ee Aqoonta Soomaaliyeed (Somali Studies International Association, SSIA). Culimadii Soomaaliyeed ee Ururkan goobjooga ka ahayd, waxa ka mid ahaa Dr. Xueen Maxamed Adan ( Xueen Tansaaniye) ooguddoomiye loo dooortay, iminka na marakanka ku nool iyo Dr. Xueen Bulxan oo Hareysa deggan hadda . 1979kii ayaa uu Xueen Tansaaniye ka mid noqday shaqaalaha waxbaridda ee Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole, Afgooye.
Xilligaas, Xaaji Muuse Galaal ayaa ka bixin jiray Kulliyadda maaddo (course) ku saabsan aqoonta Soomaaliyeed (Somali Studies). Culimadii dejisay Manhajka Kulliyadda ayaa garatay in uu Baraha Soomaalyeed dhaqankiisa aqooneed ee ay Soomaalidu lee tahay wax ka yaqaanno mar haddii uu Afingiriisi wax ku baranayo. Dr. Xuseen Tansaaniye na, 1980kii ba waxa uu qabanqaabiyey shirkii kowaad ee Aqoonta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdishu, Soomaaliya. Badi ba aqoonyahannada Soomaaliyeed wixii dalka iyo debedda ba joogay waa ay ka qaybqaateen shirkaas.
URURKA shirkiisii shanaad, waxa uu ku qabsoomay Maykanka 1993dii; Kiisii siddeedaad na, Hargeysa bishii Juulay 2001dii. Kii ugu dambeeyey ee laba iyo tobnaad na, waxa lagu qabtay Finlaan bilihii guga ee 2015kii. Shir kasta oo uu URURKU qabsado, waxa ay Culimadiisu ka jeediyaan Cilmibaadhis ay ka diyaariyeen aqoonta soomaaliyeed oo dhinac walba leh. Qoraallada shir kasta laga jeediyo, waxa lagu soo saaraa buug mug (volume) ama laba ah.
Laba nuqul oo aan hayo (kuwii 5d iyo 8d) ayaa kala qabsoomay 1993kii iyo 2001dii. Waxa midkii ba ku faafsan ugu yaraan afartan (40) qoraal oo cilmiyeysan. Badi ba, aqoonyahannada hal-abuuray qoraallada, waxa ay khabiirro ku yihiin oo ay buugag cilmi ah ka qoreen maaddooyinka takhasuskooda. Haddii 12kaas shir ee qabsoomidoodu suuragashay, nuqulladii faafay iyo dhammaan wixii laga qoray aqoonta Soomaalida meel la isugu geeyo, waxa abuumaya rugkutubeed (library) daf ka ah aqoonteennu oo degaamaysan.
Marka dhinacan laga eego, waxa muuqatay in ay Soomaalidu lee tahay aqoon degaamaysan, tayaysan , suuragelinaysa na barnaamijyo heer dugsi iyo jaamacad ba oo aynu kaga maarmi karnno kuwa laga soo dukaamaystay dalalka jaarkeenna ama kuwa horumaray. Waxa se inna ragaadiyay cudurrada barjaynta iyo sheekaynta. Waxa na ka dhashay qofka barjeeya oo wax booba iyo ka shaqeeya oo baahda. Labadaas na, badi ba, culimadeenna dalka joogtaa ka ma ay badbaadin.
Maxamed X. Raabbi, Hargeysa