Al-Shabaab Oo Kaalinta 5aad Ka Gashay Liiska Xaddiga Lacagaha Ay Haystaan Ururada Al-Qacida Ee Dunida

0
654

Picture5Washington (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee Washington Post oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin uu jimcihii 13ka Bishan Lixaad ka qoray dhaqaalaha uu helay ururka Islaamiga ah dhowaan dhulka badan ka qabsaday dalka Ciraaq waxa uu ku sheegay in haatan uu ururkaasi yahay kan ugu dhaqaalaha badan ururrada Al-qaacida fikirkeeda wata ee dunida ka dagaalama, halka kaalinta Shanaadna uu ka siiyey ururka Al-Shabaab. Wargeyska Washington Post waxa uu sheegay in ururka Islaamiga ah ee lagu magacaabo dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam oo magaciisa loo soo gaabiyo DAACISH ama ISIS uu lacag badan ka helay bangiyada magaalada Maalada Mawsil ee dalka Ciraaq oo uu dhowaan qabsaday. Wargeysku waxa uu warbixintiisaa ku yidhi, “Daacish waxa uu noqday ururka argagaxiso ee ugu qanisan dunida oo dhan” kadib markii uu ururku dhowaan qaatay lacag lagu qiyaasay 425 Milyan oo doolarka Maraykan ah oo taallay bangiyada magaalada Mawsil. Lacagtaas hadda soo gashay ururka Daacish ayaa u suurtogelisay in uu ka lacag bato ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan, maleeshiyada Xizbullaah, jabhadda hubaysan ee FARC oo ka dagaalanta dalka Colombia iyo Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee dalka Soomaaliya iyo xataa ururka guud ee Al-Qaacida.

Warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan waaxda xidhiidhada ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Washington Post iyo ARA news oo wakaalad wareed madaxbannaan oo laga leeyahay dalka Suuriya ayaa lagu sheegay in lacagtan xad dhaafka ahi ay ururka Daacish oo reer galbeedku u yaqaannaan ISIS/ISIL u fududayn doonto in uu qorto tobannaan kun oo askar ah. Guddoomiyaha degmada Niinawo ee dalka Ciraaq ayaa Washington Post u sheegay in Daacish ay gacanta ku dhigtay malaayiin doolarka Maraykanka ah oo ay ka heshay bangiyada magaalada Mawsil, sidoo kale waxa uu ururkani jabsaday kaydkii dahabka ee bangiyadan oo uu qaatay. Sidoo kale wakaaladda wararka ee ARA news ayaa sheegtay in ururka Daacish uu dagaalladan u dambeeyey ee uu ku qabsaday magaalooyinka Mawsil, Niinawo, Tikriit iyo meelo kale, uu ka helay gaadiid milateri oo aad u tiro badan, hub iyo saanado kale, kuwaas oo qaybo badan oo ka mid ah uu u gudbiyey dhinaca dalka Ciraaq oo ay jabhadaha Islaamiga ahi ka wadaan dagaal ka dhan ah Bashaar Al-Asad iyo sidoo kale jabhadaha hubaysan ee iyaga qudhoodu ku kacsan dowladda Bashaar balse aan Islaamiyiinta ahayn. Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalka Ciraaq ayaa aaminsan in sababaha uu ururkani awoodahan badan ku helay ay ugu weyn tahay taageerada xad dhaafka ah ee ay u fidinayaan dadka Sunniga ah ee dalka Ciraaq oo aad uga calool go’ay dowladda Shiicada ee uu hoggaamiyo Nuur Al-Maalik  oo cadaadis badan, cabudhin iyo go’doomin adag ku samaysay dhulka ay Sunnigu degaan isla markaana dagaal adag u gashay in ay ka fogeyso talada dalka iyo sidoo kale Maleeshiyooyin Shiico ah oo uu raysalwasaare Maaliki taageero oo gumaad iyo dhibaatayn fara badan ku haya dadka Sunniga ah.

Ururkan loo yaqaanno ururka dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam oo sida aynu hore u soo sheegnay kaalinta koowaad kaga jira liiska ururrada argagaxiso ee ugu qanisan dunida oo dhan, waxa hadda la qiyaasayaa in uu haysto dhaqaale gaadhaya 429 Milyan oo doolarka Maraykanka, waxaana kaalinta labaad ku jira ururka Daalibaan oo isaga raasamaalkiisa lacageed lagu qiyaaso 400 oo Milyan oo doolar, waxaa ku xiga ururka FARC ee dalka Colombia oo isagu aan muslimiin ahayn balse ku jira liiska ururrada argagaxisada ah, waxa aanu haystaa dhaqaale gaadhaya 350 Milyan oo doolar, waxaa kaalinta afaraad ku jira ururka shiicada Lubnaan ee Xizbullaah oo lacagta uu haysto lagu qiyaaso 200 oo Milyan doolar. Kaalinta shanaad ee qiyaasta lacageed ee ay haystaan ururradan reer galbeedka ugu jira liiska argagaxisada ayaa waxaa ku jira Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka jirta oo warbixinaha khubarada golaha xidhiidhada ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay sheegeen in ay haystaan lacag u dhaxaysa 70 illaa 100 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, liiskaas waxaa isagu xagga dambe kaga jira ururka Al-Qaacida oo ah kan ay ka farcameen ama isku aragti yihiin dhammaan ururrada kor ku xusan marka laga reebo FARC, lacagta uu haystana waxaa lagu qiyaasayaa illaa 30 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.