Aabo Ku Cawday In Caruur Uu Dhalay Hargeysa Laga Kaxaystay Si Looga Diiwaangeliyo Sanaag

0
781

Hargeysa (Geeska)-Garyaqaan Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ah garyaqaanada ka hawl gala maxkamada Hargeysa caruur uu dhalay oo laga kaxeeyey magaalada Hargeysa.

1

garyaqaan Xuseen Maxamed Cabdi oo la soo xidhiidhay Wargeyska G eeska Afrika ayaa sheegay in caruurtiisa laga kaxaysatay guriga wakhti uu ka maqnaa, waxaanu sheegay in caruurta lagu war geliyey inay iska soo diwaan geliyeen degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag isla markaana lacag la siin doono.

Garyaqaan Xuseen Maxamed Cabdi ayaa madaxweynaah Somaliland iyo cid kasta oo ay hawshani khusayso ugu baaqay inay wax ka qabtaan waxaanu  yidhi “Doorasho xor iyo xalaal ahi ma dhacayso, maxa yeelay doorashada waxa loogu tala galay in qof waliba mar codeeyo, diwaan gelinta ayaana kaadhadhka lagu urursanayaa si loogu shubto, aniga oo ah nin aqoon yahan ah waxaan doonayaa in la joojiyo sababtoo ah caruurtii ayaa la kaxeeyey oo la geeyey meel 800km jirta, bulsho aad u fara badan oo caruur ah ayaa laga kaxeeyey  gobolka Hargeysa, waxaana naloo sheegay in hotel-ka Hargeysa Club hortiisa ay todobaad walba ka bixi jireen laba bas oo caruurta lagu guri jiray, markaa waa mushkilad jirta  oo xisbiga Kulmiye u diyaar garoobay, xaga Ceel Afweyn Ina Kaahin iyo rag kale ayaa jooga, markaa waxaan u sheegayaa cida shaqada ku leh haday tahay madaxweynaha iyo qaramada midoobay-ba in waxa l wadaa aanu xalaal ahayn, maxaa yeelay naftii caruurtayda ayaa khatar gashay waxaana loo kaxeeyey ceel Afweyn cidla ayaana lagaga yimid, waxay kala ahaayeen laba wiil oo 1 jir iyo `6 jir kala ah, wax kaxaystay xisbiga Kulmiye waxaana loo soo diray dad guddi hoosaad u ah.”

mar aanu wax ka waydiinay qaabka loo kaxeeyey caruurtiisa iyo meesha laga kaxeeyey ayaa waxa uu yidhi “Rag iyo dumar is qariyey ayaa caruurta ku yidhi lacag fara badan ayaa laydiin siinayaa ee isa soo ururiya, meel u dhaw xaafadayda ayaana laga kaxeeyey iyaga oo tiradoodu ku dhaw dahay konton dhalinyaro ah, basas baana la saaray”

sidoo kale mar aanu wax ka waydiinay wakhtiga uu tabay caruurtiisa ayaa waxa uu yidhi “Nin la socday oo ka mid ah dadkii xaafada ka tagay ayaa sheegay inay caruurtaydu la socdaan oo la kaxaystay, markii la ogaaday inay Hargeysa iska diwaan geliyeena waxa lagu yidhi maxaad noo soo lug goyseen, ,markii hore sodon doolar bay ugu balan qaadeen inay siinayaan markii danbena may siin, Aniga ayaana caruurtayda ku sugayey Burco waxaana igaga baxay lacag aad u badan, iyaga oo bilaa kharash ah ayaan ku idhi Burco iigu kaalaya, waxaana lay sheegay inay dadkii kaxaystay xidheen dhalinyaro kale markii ay ogaadeen inay Hargeysa iska diwaan geliyeen.”