5 Hoggaamiye Oo Dilay 197 Milyan Oo Ruux, Laakiin Taariikhdu Aanay Ku Sheegin Argagaxiso

0
1530

Picture2Taariikhaha qaar waxa ay sheegayaan in Stalin uu sabab u ahaa dhimashada dad ka badan 60 Milyan oo ruux, laakiin xitaa kuwa tiradaas u arka in la buun-buuniyey waxa ay hoos u dhaafi waayeen in uu hoggaamiyahan keli-taliyaha ahi muddadii uu xilka hayey oo ahayd 30 sano dilay 40 illaa 49 Milyan oo ah muwaadiniin Ruush ah. Tirada intaas le’egi kuma ay dhiman dagaalkii Labaad ee adduunka, waxa aanay u badnayd dad si badheedh ah loo dilayey oo weliba ahaa isir-tir ay dawladdu qaybo dadkeeda ka mid ah ku qaadday, waxaa ku jiray dad si qasab ah deegaannadoodii iyo guryahoodii looga caydhiyey iyo xeryo ku yaalla barafleyda gobolka badhtamaha Ruushka dhaca ee Siberia.

Dhulkan oo ahaa meel aanay nolol caadi ahi ka suurtogelayn ayaa uu Stalin ka sameeyey xeryo uu u mustaafurin jiray dadka mucaaradka ku noqda, muddo maalmo yar gudahood ah ayaanu ku naf waayi jiray qof kasta oo loo mustaafuriyo xeryahaasi cimilada awgeed.

Sannadkii 1937kii ayaa uu Joseph Stalin ku dhawaaqay xeer cusub oo uu ku magacaabay Xeerka La-dagaallanka Argagaxisada waxaana xeerkan ku jiray qodob dhigaya in dil lagu xukumo qof kasta oo lagu helo eedo argagaxiso la xidhiidha, arrinta kale ee xusidda mudan ee xeerka Stalin ku jirtay ayaa ah in aanu ogolayn in eedaysanuhu uu yeesho qareen difaaca oo maxkamadda yimaadda.

Adolf Hitler: Hoggaamiyihii Naasiga Jarmalku waa ka loogu hadal hayn badan yahay, laakiin haddana dadka uu dilay waa ay ka yaraayeen inta ay dileen Mao iyo Stalin:

Majaladda TIME ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa Adolf Hitler u dooratay in uu ka mid ahaa boqolka Shakhsi ee qarnigii Labaatanaad raadaynta ugu badan ku yeeshay taariikhda aadamaha.

Mar kasta Hitler waxa ay dunida oo dhami ku tilmaamtaa in uu ahaa Digtaatoorkii ugu weynaa. In Kasta oo Stalin qudhiisa lala xuso, haddana taariikhdu Hilter waxa ay ku sheegtay in uu khatar ku ahaa aadamenimada, taas oo aanay ku sheegin Stalin.

Marka la eego dadka ay dileen labadan hoggaamiye, waxaa la arkayaa in dadka uu Stalin dilay tiro Malaayiin ah ka sii badan yihiin kuwa uu Hitler dilay, laakiin haddana Hitler waxaa lagu tilmaamay in uu khatar ku ahaa aadamenimada, sababta keliya ee taas keentayna waxa ay ahayd in Hitler dagaalkii lagu jebiyey oo ay kadibna taariikhda qoreen kuwii ka guulaystay. Sidoo kale Stalin dadkiisa ayaa uu gumaaday oo cidi dan kama gelin, laakiin Hitler waxa uu khatar ku noqday Maraykan iyo Yurub, sidaa awgeed waxaa taariikhda loo geliyey in Aadamenimadaba uu khatar ku yahay. Stalin iyo xulafadiisi iwaa ay guulaysteen Hitler na waa la jabiyey, markaasaa isaga lagu sheegay in uu yahay cadowgii ugu weynaa ee Basharku arko qarnigii 20naad.

Tirada dadkaa uu dilay Adolf Hitler waxaa la gaadhsiiyaa Afarta Milyan, halka taariikhyahanno badanina ay ku soo koobaan 27 Milyan oo ay u qaybiyaan: 15 Milyan oo Midowgii Soofiyati ka dilay, 6 Milyan oo uu Yuhuudda kaga dilay xasuuqa la magac baxay Holocaust. 6 Milyanna uu ka dilay dadkii dalkiisa ee Jarmalka ahaa, kuwaas oo u badan kuwa ku dhintay dagaalka labaad ee adduunka.

Saddexdii sano ee ugu horreeyey dagaalkii Labaad ee adduunka Hilter waxa uu gacanta ku dhigay inta badan ee Qaaradda Yurub, marka laga reebo Ingiriiska, waxa kale oo uu qabsaday saddex meelood Laba ka mid ah dhulka Midowga Soofiyati ka arriminayey. Midowga Soofiyati ayaa ahaa kan uu dadka ugu badan ka dilay, laakiin aakhirkii Midowga Soofiyati oo uu hoggaaminayey Joseph Stalin waxa ay ku guulaysteen weerarro rogaal celis ah oo inta ay dhulkoodii dib ugu xoraysteen ay qabsadeen dhul badan oo kale oo xitaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka xarunta u ahi ku jirto. Waxaana la aaminsan yahay in markaas ay caasimadda galeen uu Hitler is dilay.

Pol Pot: Walaalkii weynaa waxa uu dilay Afar meelood meel ka mid ah dadkiisii:

Janaraal Pol Pot oo dhashay sannadkii 1925kii,waxa uu hoggaaminayey dhaq-dhaqaaqii Kacaanka ee la baxay Khamiirka Cas, taas oo sannadkii 1976kii u fududaysay in uu noqdo raysalwasaaraha dalkiisa Cambodia kadib markii ay ciidamadiisii kacaanku qabsadeen caasimadda dalkaas ee Phnom Penh.

Pol Pot waxa uu hormuud ka ahaa dagaal adag oo ka dhan ahaa muwaadiniinta dalkiisa oo markaa tiradooda guud in yar ka badnayd 8 Milyan oo ruux. Pol Pot oo ka cabsi qabay mucaaradad adag oo kaga timid dadkiisu waxa uu dilay Malaayiin qof oo qaarkood la mariyey nidaam garsoor isaga u dhego nugul, kuwo kale oo siyaasiyiin badani ku jirtayna si dadban ay ciidamadiisu u khaarajiyeen. La Soco

 oo kale inta uu xabsiyo ku guray ayaa uu ka hor-istaagay in ay helaan daryeel caafimaad iyo cunto nadiif ah oo fiican, taas oo sababtay in tiro aad u badan oo maxaabiis ahi xabsiyada gaajo iyo cudurro ugu dhex dhimato saddex sano oo keliya oo uu raysalwasaare ahaa.

Pol Pot markii uu talada dalkiisa qabtay waxa uu ku andacooday in uu dalka ku dhaqayo fikirka Shuuciyadda, gaar ahaan ka ku dhisan aragtidii Mao ee China aynu kaga soo warannay, sidaa awgeed waxaa dawladda Pol Pot taageeray hoggaamiyihii China ee Mao. Pol Pot isaga oo ku socda dhabbaha macallinkiisaa Mao waxa uu dalka ka bilaabay mashaariic dhalanted u badan oo burbur iyo dagaallo uun uu dalka Cambodia ka dheefay. Tusaale ahaan waxa uu baro kiciyey magaalooyin badan oo dadkii deggenaa uu ku amray in ay qasab kaga guuraan si beero looga dhigo, kadibna inta uu dhismayaashii burburiyey uu damcay in uu beero waaweyn ka dhigo isaga oo muwaadiniintana qasab kaga dhigay in ay ka shaqeeyaan ol’olaha beerashada dhulka ee dawladdu waddo.

Pol Pot waxa uu dalkiisa ka mamnuucay dawooyinkii casriga ahaa ee dibadda uga imanayey isaga oo ku andacoonaya in loo baahan yahay in wax kasta isku filnaanshiyo laga gaadho, taas oo keentay in cudurro aad u badani ay faafaan dad boqollaal kun ka badanina caafimaad darro u dhintaan.

Pol Pot waxa uu isu bixiyey “Walaalka Weyn” waxa aanu ka shaqeeyey sidii uu dalka Cambodia uga tirtiri lahaa reer magaalka iyo aqoonyahanka, xitaa waxaa xabsiyada lagu guray ama dil lagu fuliyey dadka lagu arko iyaga oo xidhan muraayadaha indhaha ee aragga loo xidho, maadaama oo la doonayey in dadku ay dib ugu noqdaan noloshii qaddiimka ahayd.

Sannadkii 1979kii, ayaa uu soo af go’ay xukunkii Pol Pot kadib markii ciidamada dalka Veitnam ay xoog ku galeen caasimadda dalka Cambodia oo ay qabsadeen, iyaga oo ka jawaabaya dagaalo hore oo dhinaca Pol Pot uga yimid oo ay ka mid ahaayeen kii ay ciidamada Cambodia ku galeen gudaha xuduudka dalka Veitnam.

Pol Pot oo muddadaa gaaban ee uu xukunka dalkiisa hayey dilay dad ka badan 2 Milyan ama haddii aynu si kale u dhigno dad tiradoodu tahay afar meelood meel tirada guud ee dadkii dalka, markii xukunka laga tuuray halkaa kuma uu joogsan ee waxa uu mar kale hoggaamiyey jabhaddiisii Khamiirka Cas, oo uu dagaal adag la galay dalka Veitnam waanu waday dagaalkaas illaa dhimashadiisii oo ahayd sannadkii 1998kii. La soco…