“Imaaraadka Carabtu Xaga Siyaasada, Mashaariicda Iyo Xaga Milatarigaba Way Ka Xiisaynayaan Somaliland”

0
4056

 

Picture4Haregysa( Geeska )- Madaxweye Axmed Maxamed Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaana madaxweynaha iyo waftiga uu horgaaminaayay ku soo dhaweeyay madaarka Berbera wasiiro,xildhibaano,masuuliyiinta gobalka Saaxil iyo dadweyne kale. Madaxweyne Axmed Siilanayo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa sheegay inay madaxda dalka Imaaraadka ee ay la kulmeen ay ka wada hadaleen xidhiidhaka labada dal iyo fulinta balanqaadyo taagro ah oo ay hore dawlada imaaraadka carabu u balan qaaday  waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxa aan ku soo noqonay aniga iyo waftiga ila socdaaba dalka, waxaanan mudo gaaban ugu maqnayn booqasho dalka Imaaraadka carabta halkaas oo nalagu marti qaaday, waa dal aynu saaxiib nahay xidhiidh badan iyo taariikhaba inaga dhaxeeyo markii ugu horaysayna maaha ee aanu tagno, madaxdii iyo masuuliyiintii  waawaynayd ee dalka ayaanu la kulanay si weyna waa naloo soo dhaweeyay waxaanan ka wad hadalanay xidhiidhka labada dal, waxaanu ka wada hadalnay mucaawinooyinkii iyo waxyaabahii barigii hore ee aan tagnay naloogu balan qaaday waxii wadooyin,cisbitaalo iyo mashaariic kale oo biyaha ahba lahaa, mashaariicdaasna wax ka hirgalay iyo wax aan ka hirgalinba waa ay jiraan waxaanay balan qaadeen in waxii hadhayna ay fulin doonaan,Waxaanay noo balan qaadeen in mar walba ay taageero iyo wanaag ay la garab taagnaan doonaan Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladda Imaaraadku ay danaynayso inay maal-gashi ka fuliso Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxay aad u muujiyeen inay danaynayaan inay Somaliland qeybo ka mid ah maal-gashadaan. Masuuliyiin dalkaasi ka tirsan oo dhawaan dalkeena (Somaliland) iman doonaana way jiraan. Imaaraadka carabtu xaga siyaasadda, mashaariicda iyo xaga milatarigaba way ka xiisaynayaan Somaliland. Socdaalkaasi caam ahaan wuxuu ahaa mid qiimo leh, waxtarna inoo yeelan doonaa Inshaalaahu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay Noocyada maal-gashi ee ay suurto-galka tahay in Imaaraadka ay kala hadleen, waxa uu yidhi “Maal-gashigu waxyaabo badan buu yeelanayaa, waxa uu yeelanayaa oo ka mid ah waddooyinka, caafimaadka . waxa kale oo ku jiri doona mashaariic faro-badan oo marka Hay’adaha ku shuqulka lihi inoo yimaadaan.”

Sida oo kale waftigan madaxweynaha ee dalka ku soo laabaatay waxa la socday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysa Cali Waraabe oo isaguna waftiga kaga soo biiray dalka Imaaraadka intuu ku sugnaa, waxaana waftigan iyo madaxweyne Siilaanyoba ay xalay u hoydeen magaalada Berbera.