Xusuusta Waraysi Aan 2003 La Yeeshay Maxamed Saleban Tubeec Maxamed-Rambo, Qaybta 1aad

0
857

Picture1Akhristayaal, sidii aanu idiin balan qaadnay, waxaanu maanta idiin soo gudbinaynaa qaybta koowaad ee waraysi uu tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed-Rambo, la yeeshay marxuum Maxamed Saleban Tubeec, sannadkii 2003. Waraysigaas oo wakhtigaas lagu daabacay wargeyska Jamhuuriya oo uu saxafigu ka tirsanaa, wuxuu Maxamed Saleban si faahfaahsan ugaga waramay taariikhdiisa faneed iyo guud ahaan fanka Somalida.

Tubeec, oo ka waramaya taariikhdiisa faneed iyo halkii uu ka hano qaaday wuxuu yidhi, “Aniga horta taariikh nololeedkaygu wuxuu ahaa dalka Somaliland, waxaan ku dhashay magaalada Laalays ee gobalka Saaxil, waxaan ku barbaaray magaalooyinka Burco iyo Berbera, balse qaan-gaadhkaygii waxaan u wareegay dalka Djibouti, haddana sannadkii 1958 ayaan dib ugu soo noqday Somaliland oo Hargeysa ayaan shaqo ka bilaabay. Xilligaas Idaacadda Radio Hargeysa waxa ka shaqayn jiray dad kooban oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Yuusuf, Shamis Abokor Guduudo-carwo, Cabdillaahi Qarshe, gabadh iftin la yidhaahdo, gabadh Nooleeya la odhan jiray iyo kuwo kale  oo badan.

Anigu markii aan Djibouti ka imid, umaan iman Hargeysa inaan ka shaqeeyo, waxaanu u socday qoyskayga oo degenaa magaalada Burco. Markii aan Hargeysa imid waxa aan ku soo degay gurigii Guroon jire oo waxaan la socday nin seedigii ah oo la odhan jiray Maxamed Nahaadhi, dabadeed Maxamed Nahaadhi ayaa ku yidhi Guroon Jire,  ninkan waxa la yidhaahdaa Maxamed Saleban, oo waa nin fanaan ah oo cod macaan. Dabadeed annagoo iska qayilayna ayuu Kaman ii yara garaacay, ka dibna waxa uu ka helay codkaygii. Waxa uu yidhi Guroon jire, “Maxamed idaacadda aan ku geeyo, waxaanan ku idhi waar idaacadda uma socon ee reerkii ayaan u socday, waxaanu iigu jawaabay, haye ee waynu iska soo daawan doonaa idaacadda.”

Isagoo Maxamed hadalkiisa sii wata islamarkaana sharaxaya sidii uu ku bilaabay shaqadii faneed ee Radio Hargeysa, wuxuu yidhi, “subixii ayaa la I geeyay idaacadda, oo la I kaxeeyay, oo show madaxdiina waa la ii sii sheegay. Wakhtigaas waxa idaacadda xukumi jiray Gaal Waybar la odhan jiray, waxaana ku xigay Cabdiraxmaan Caabi. Qolkii studio-ga ayaa la I soo fadhiisiyay, oo la iigu tumay dhawr heesood. Heestii iigu horaysay ee la ii tumay waxay ahayd heesta la yidhaahdo Carwo oo ka mid ahayd heesaha qaraamiga ah, heesihii kale ee maalintaas la ii tumay waxa ka mid ahaa heesta la yidhaahdo Laasc, heestan codkeeda ayaa dheeraa, markaas dhallinta badankeedu may qaadi jirin oo waxay odhan jireen waa cod dheer, balse aniga cunahaygu aad buu u fiicnaa oo waan qaaday heestaas. Bishu waxay ahayd badhtame (15) waxa la igu yidhi shan iyo tobankaas cisho ee bisha ka hadhay waxaad noqonaysaa shaqaale ku meelgaadh ah, wixii ka dambeeyana shaqaale rasmi ah. Markaan ku meelgaadh maqlay ayaan idhi haddii ay ku meelgaadh ii tahayba anigu ma shaqaynayo, dabadeed waxay yidhaahdeen hadda laga bilaabo waxaad tahay rasmi ah. Markaas sidaas ayaan shaqadii fanka ku bilaabay.”

Maxamed Saleban Tubeec, waxaan weydiiyay bal hadda inuu xasuusto heesihii uu wakhtiyadaas idaacadda Radio Hargeysa ka qaadi jiray, ka dib markii uu noqday shaqaale rasmi ah, waxaanu yidhi, “Waxa la qaadi jiray heeso qaraami ah oo ay samayn jireen Cabdillaahi Qarshe iyo Guroon jire, weliba waxa inta badan samayn jiray Cabdillaahi Qarshe. Wakhtigaas heesta qof qaado waxa beri ka daba qaadi qaadi jiray qof kale, balse markii dambe waxa la go’aansaday heesta uu qof qaado in loo daayo oo aan laa daba qaadin. Waxa kale oo la samayn jiray Riwaayado iyo heeso. Heesaha aan aadka ugu luuqayn jiray xilliyadaas waxa ka mid ahaa Luul, Raaxeeye, Aroora, Xusuus, Carwo iyo kuwo kale.”

La soco qaybta labaad ee cadadka beri waraysigan oo xiiso badan.