Xukuumadda Somaliland Oo Cirro Ugu Hanjabtay Xadhigii Ay Xukuumadii Rayaale Ugu Hanjabtay Siilaanyo Oo Maraykanka Tagay

0
633

Hargeysa (Geeska)-Wasiiru dawladdaha Wasaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Mixle Boqore ayaa sharci daro ku tilmaamay inuu Guddoomiyaha Barlamaanka ahna murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani  Cabdiraxmaan Cirro uu la kulmo Hay’addaha Caalamigaiyo Beesha Caalamka, waxaanu xusay in aanay dalka iman Karin Hay’addahaas uu la kulmay ilaa ay soo maraan Wasaaradda Arrimaha Dibadda mooye. Wuxuu kaloo wasiir Mixile ugu hanjabay Murashax Cirro inay xabsiga dhigi lahaayeen haddii aanu madax u ahayn aqalka baarlamaanka.

1

Wasiiru dawladdaha Wasaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Mixle Boqore oo shalay u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu isagoo ka hadlaya kulamada ay madaxda Waddani la yeesheen beesha caalamka ee ay ku saabsan abaaraha uu yidhi “Dawladdu way ka shaqaysay arimaha abaaraha, horena way uga shaqaysay, imikana way ka shaqaysanaysa, mashquul bay meel walba ku tahay, Hay’addaha Caalamiga oo dhan iyo Wadamada Deeq bixiyayaasha oo dhan qoraal baanu gaadhsiinay, waxna wey na soo gaadheen, waxna wey soo socdaan, imikana hawlaha abaaraha waanu ku jirnaa, sharciba uma leh ma Dawlad baa iyagu malaa Siyaasada ayey fahansanayne ,nimankan siyaasiyiinta ee iska dhigaya waxa fiican, horta ha noo yimadeen aanu Diblamaasiyada barnee, waayo ninka Xisbi Mucaarad ah ee leh aniga ayaa la kulmay Hay’addihii Caalamka, muxuu hayaa ee uu ula kulmayaa, wey khaldan yihiin waa qaran dumis, mucaaradad maaha, marar horena waanu ku haynaa khalad qaran dumis oo Dastuurka dalkeena ka hor imanaya, marka beenta sidaas looma sheegee sug maalintaada”.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda mar uu ka hadlaayey Hay’addahan uu la kulmay Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi “Sharci dejinta Guddoomiye uu u yahay laakiin Sharci dejin kuma socdo imika ee wuxuu ku jooga inqilaab uu dalka inqilaabayo, waa hore waxa jirtay inuu nin safiira iska magacawday, safiir lama magacwdo, wakiil Xisbi wuu magacaaban karaa, waa dambigii labaad tani, waa odaygii Barlamaanka oo xagii Barlamaanka ayaanu ka eegnay, balse maanta ka gaban bayno, haddii uu halkaas Wefti keeno isagoo wefti wata, haddii aan dawladda la ogeysiin Weftiga halkan imanaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku shaqo leh wax alaale wixii caalamiya ee soo degaya in aanu hor joogsano oo aanu albaabka ku joogsano, haddii ay sharci dawladeed ku socdaan bay iman karaan, haddii kale ma iman karaan, waa in Safiirkayaga halkaas la soo mara, waa in halkan la yimaada, waa in anaga nala soo siisaya Hay’addaha Caalamiga ah ee imanaya, haddii aanay ogolayn Wasaaradda Arrimuhu Dibaddu Hay’addaha Caalamigu dalka ma iman karo waa mamnuuc”.

Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibada mar uu si gaar ah ula hadlaayey Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa yidhi “Cabdiraxmaanoow, umadda Somaliland ha khal-khalinin Xukuumad baa jirta, oo Dawlad baa jirta, haddii aad dawladda daba socon weydo, haddi aad maanta hesho yaa ku daba soconaya, waxaan ku leeyahay waar ka jooji rabshada iyo dhibaatada aad ku hayso dalka, oo Guddoomiyihii Barlamaanka ayaad tahay kii sharci dejinta ayaad tahay, sharciga ha jabin, bari haddii aad jeceshay in sharciga lagu jabiyo dee wad waanu kula wadaynaye, haddii maanta Cabdiraxmaan Guddoomiyihii Barlamaanka ahaan lahayna Xukuumad ahaan waanu xidhi lahayn.”

Hadalkan Wasiirul dawlaha khaarajiga ayaa wuxuu la mid yahay hadal ay xukuumadii Daahir Rayaale u jeedisay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo isagoo xisbigii mucaaradka ahaa hoggaaminaya dalka Maraykanka kula soo kulmay madax ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka, waxaanay xukuumadii Madaxweyne Rayaale waktigaas ugu hanjabtay Madaxweyne Silaanyo inay xabsiga dhigi doonto. Laakiin hanjabaadaas ayaa wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku helay taageero balaadhan.