Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Mashruucii Xumbo-weyne Ee Fashilmay

0
3830

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Sifooyinka Hoggaamiyaha Muslimiinta, Mashruucii Biyaha Xumbo-weyne ee Fashilmay iyo siday Muhiimka u tahay in wax loo qabto Dadka Danyarta ah.

Sheekh Aadan-siiro oo ugu horreyn ka hadlaya Naxariista ayaa yidhi “Caaisha waxay tidhi, Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi Ninka qabta Talada Muslimiinta ee u naxariista (Dadka) ILAAHOOW kaa u naxariiso’. Naxariista aynu ka hadlaynaa waa in kii Qatan aad quudiso, kii quman aad isbarbar taagto, waa inaad kii Qaldan qabato, saddexdaas ayaa Naxariista la yidhaahdaa. Sifaadka looga baahan yahay Ninka Talada Muslimiinta haya ama Amiirka waa Nin dhibirsan. Xadiiska uu weriyey Bukhaari, Saxaabi ayaa la hadlay Inankiisa waxaanu ku yidhi ‘Rasuulka (CSW) waxaan ka maqlay kuwa wax ka masuulka ah waxa ugu shar badan kuwa wax burburiya, markaa waxaan kaaga digayaa inaan ka mid noqoto’ ayuu yidhi Rasuulku (CSW)..”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu ka hadlay “Ninkii reer Baadiyaha ahaa ee Rasuulku (CSW) wax uga amaahday Saxaabiga baahan wuxuu yidhi ‘Ummadi khayr malaha haddii Qofka itaalka darani aanu ka helin Xaqiisa markuu doono isagoon ku dhibtoon. Innaga Maanta yaa doodda hela, innaga Maanta yaa dhulka hela, Ninba Ninka uu ha Hanti badan yahay, ka hadal badan yahay, ka tiro badan yahay, Islaamkuna wuxuu u yimid inuu kuwa itaalka daran dhibaatada ka faydo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Naftayda waxaan ka xaaraantimeeyay Dulmi, idinka dhexdiinana xaaraan baan ka dhigay in la is-dulmiyo ee ha is-dulmiyina..’ayuu illaahay yidhi…”

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wata ayaa yidhi “Xadiiska uu Weriyey Abuu Daa’uud iyo Tarmadi wuxuu Rasuulku (CSW) yidhi ‘Ninka ILLAAHAY Talada u dhiibo ee Muslimiinta albaabbada ka soo xidha ee yidhaahda yaanay cidna ii soo gelin ee Dadka baahan ee Jilicsan aanay u gelayn, Maalinta Qiyaamaha isagana illaahay Arrimihiisa oo dhan ayuu iska hor-taagaa. Waar Naafada, kuwa indhaha la’ iyo kuwa maatida ah ee leeleelaya ha loo gargaaro.”

Sheekhu waxa kale oo uu soo jeediyey Talooyin wax loogu qaban karo Dadka Danyarta ah ee Reer Somaliland “Maamul wax dhegaysanayaana ma jiro, Dadkii Caqliga iyo Kartida lagu tuhmayeyna arrintaa uma dhego daloolaan. Waxaanu nidhi Hargeysa waxa ku nool Milyan iyo 2 boqol oo kun, lix boqol oo kun oo ka mid ahi bishii ha bixiyaan Min Kun Shilin, waa Lix boqol oo Milyan ama Lixdan kun oo dollar bishii, sannadkiina waa 720 kun dollar, 720 kaa Kun ee Dollar imisa Mashruuc ayay Somaliland ka fulin karayaan? Markaynu tiro koobno Dadka Jilicsan ee Magaalada ku nool. Warshadda Tamaandhada Shiidda ee Hindiya Taallaa ee ku filan Boqol Qoys qiimaheedu waa 48 Kun Dollar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Shirkad Maalgashi oo Xukuumaddu ka diwaangelisay Imaaraadka Carabta “Xukuumadda waxaanu leenahay Guux badan baa jira, Guuxaasi waxa uu yahay Shirkadda Maalgeshiga Somaliland (Somaliland Investment Company) ayaa Dadku Saluug badan ka muujinayaan, taasi oo ah arrin aanay Ummaddu aad iyo aad u fahmin oo aanay Xukuumadduna Dadka u bayaamin, markaa waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda intay Xantu badan lahayd inaad sheegtaan.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay Biyo la’aan ka jirta meelo ka mid ah Hargeysa “Hargeysa way biyo la’dahay, weliba Koonfurta Hargeysa biyo lama hayo, waqooyigeedana meelo badan ayaan biyo laga haynin, Biyihii Xumbo-weyne ee Malaayiinka Dollar ku bixiyeen waxay noqdeen Hal bacaad lagu lisay, xukuumadduna weli kamay jawaabin Hantida intaa leeg cidda lunsatay iyo siday wax u dhaceen, markaa Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa waar Dadkiina la hadla, haddii Xukuumaddu tilmaami waydana Mucaaraddadu way sii badanaysaa, waana arrimo xaasaasi ah oo Xukuumadda oo keliya maaha ee Dalka oo dhan ayay dhibaato ku keenayaan.”ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here