Qaahira (Geeska)- Muftigii hore ee dalka Masar Sheekh Dr. Cali Jumca ayaa mar uu ka hadlay barnaamij lagu magacaabo “Allaahu Aclam” Allaa og oo ka baxa talefishanka CBC-2, waxa uu sabtidii toddobaadkii hore sheegay in mid ka mid ah wiilashii uu Nebi Muxammed (SCW) u awoowga ahaa uu awoow u sii yahay boqoradda dalka Ingiriiska ee hadda Elizabeth II.
Sheekh Cali Jumca oo Muftiga guud ee Jamhuuriyadda Masar ahaa intii u dhexeysay sannadihii 2003da illaa 2013ka, caanna ku ah Fatwooyin badan oo muran iyo doodo adag dhaliyey, ayaa markanna sheegay in boqoradda Ingiriisku ay ka soo jeeddo awoow ka dhashay qabiilkii Nebi Muxammed (SCW) ee reer Bani Haashim, weliba si gaar ah isir ugu lahaa Nebiga laftiisa. Waxa uu sheegay in qoyskaas ay ka soo jeeddo boqoraddu uu Muslimiin ahaa, laakiin cadaadis badan iyo muquunin lagu sameeyey ay ku qasabtay in ay diinta Islaamka ka baxaan.
Si kastaba ha ahaato ee Cali Jumca ma’aha qofka keliya ee ku dooday in uu jiro ciriqan dhinaca nasabka ah ee boqoradda iyo qoyska Nebi Muxammed (SCW).
John Burke oo ahaa caalim u dhashay dalka Ingiriiska oo ku takhasusay cilmiga isirka iyo abtirsiinta oo afka qalaad lagu yidhaahdo (Genealogy), ayaa buuggiisa Peerage oo uu ku diiwaangeliyey nasabka dadka Ehlu sharafka ka ah qaaradda Yurub oo uu uga jeedo guud ahaan qoysaska boqortooyooyinka Qaaradda Yurub, gaar ahaanna qoysaska boqortooyada Ingiriiska, waxa uu ku qoray in boqorradda Elizabeth II ay isir iyo dhiig ku leedahay Nebi Muxammed (SCW). Qoraagan oo noolaa intii u dhexeysay 1786kii illaa 1848kii ayaa ku doodaya in qoyska boqortooyada Ingiriisku uu Nebi Muxammed ka soo galo dhinaca boqorradii Carbeed ee ka talin jiray boqortooyadii Ishbiiliya (Seville oo hadda Spain ka tirsan) ee muslimka ahayd oo ka dhisnayd dhulka Andalus taariikhyahannada qaarna kuba magacaabaan Isbayntii Muslimka ahayd kuna fidsanayd inta badan ee dhulka ay hadda ka taliyaan dalalka Spain iyo Portugal. Qoraaga buuggan Peerage waxa uu ku doodayaa in xidhiidh dhinaca guurka ahi uu sababay in ay isku dhex milmaan boqorradaas Carbeed iyo boqortooyooyinkii Portugal iyo Qashtala (Castilla) oo iyaduna ahayd boqortooyo hore oo isla dhulkan Spain ku fadhido hore uga talin jirtay, sidoo kale waxa ay xidhiidh xididnimo wadaageen boqorkii Ingiriiska ee qarnigii 15aad oo ahaa Edward-kii Afaraad.
Masuulka shirkadda baahisay buuggan John Burke ee Peerage ayaa warqad uu sannadkii 1986kii u diray raysalwasaarihii Ingiriiska ee xilligaas Margaret Thatcher waxa uu ku yidhi, “In qoyska boqortooyadu uu isir ku leeyahay Nebi Muxammed (SCW) macnaheedu ma’aha in sababtaa awgeed ay xubnaha qoyskani kaga nabadgeli doonaan kooxaha argagaxisada ee Muslimiinta ah” isaga oo qoraalkiisa sii wata waxa uu masuulkani yidhi, “Dad badan oo Ingiriis ah ayaan ogeyn xaqiiqada nasabka qoyska boqortooyada, laakiin culimada diinta ee Muslimiintu si fiican ayaa ay arrintaas u og yihiin, waanay ku faanayaan”
Qormadan uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey shabakado wareed ay ka mid tahay Anhaar, Sudanese online iyo Akhbaarak ayaa farta ku fiiqaysa halka ay taariikhyahannada iyo culimada abtirsiintu iskaga xidhayaan boqoradda Ingiriiska iyo tafiirta Nebi Muxammed (SCW) waxa aanay sheegeen in haweenay lagu magacaabo Zaa’idah oo uu dhalay Abi Qaasim Al-Muctamad Calallaahi Bin Cabbaad uu awoowgeedaa hore ee Cabbaad oo ahaa boqorkii saddexaad uguna dambeeyey boqortooyadii Bani Cabbaad ee Andulus, nasabkiisu soo galo Zahra Bin Xuseyn Bin Al-Xasan oo Al-Xasan kaas uu awoow u yahay Nebu Muxammd (SCW).
Zaa’idah waxa ay u dhaxday boqorkii lagu magacaabi jiray Fatax oo ku magac dheeraa, Al-Ma’muun Bin Al-Muctamad Bin Cabbaad, sidaa awgeed ay Zaa’ida Soddoh u ahayd boqorkii Ishbiiliya (Seville) Al-Muctamad Bin Cabbaad.
Warku waxa uu intaas ku daray in dhaqdhaqaaqii caanka ahaa ee Al-Muraabiduun oo ahaa dhaqdhaqaaq Islaamiya oo dib-u-habayn iyo isbeddel ku baaqayey ay la wareegtay dhulka hadda dalka Marooko yahay iyo dhulkii Andulus, iyaga oo kursiga ka tuuray boqortooyadii Ishbiiliya (Seville) sannadkii 1091kii, taas oo sababtay in Zaa’idah oo wadata carruurtii ay boqorkii oo la dilay u dhashay u qaxday boqortooyadii Qashtila (Castile) ee ka sii talinaysay qaybo Spain ah. boqorkii Castile Alfonso VI oo aad u soo dhoweeyey qoyskan ku soo qaxay ayaa aakhirkii jeclaaday Zaa’idah oo uu guursaday.
Sida taariikhda ku cad Zaa’idah muddo kadib waxa ay qaadatay diinta Kiristaanka waxaana loo bixiyey magaca Isabel, waxa aanay boqor Alfonso VI u dhashay wiilka keliya ee uu dhalay oo lagu magacaabo Sancho. Waana wiilkaas ka uu ka soo tafiirmay qoyska boqortooyada Ingiriiska ee imiku.
Si kastaba ha ahaato ee hadalkan Sheekh Jumca waxaa ka hor yimi si aad ahna u naqdiyey dad badan oo isugu jira culim iyo aqoonyahan kale oo qaarkood ku doodayaan in aan taariikhda marnaba lagu xusin inan Zahra la yidhaahdo oo uu dhalay Xasan oo uu Nebi Muxammed (SCW) u awoow ahaa, balse inta la og yahay uu dhalay wiil keliya, iyo in doodda sheekhu aanay wadan tixraacyo ku filan iyo caddaymo lagu qanci karo, laakiin taas Dr. Cali Jumca waa uu diiddan yahay waxa aanu sheegayaa in uu hayo caddaymo iyo tixraacyo taariikhiya oo badan oo qaarkood laga heli karo boggiisa internet ka.