Masar Waxa Ka Dhacay Iyo Casharka Ku Jira

1
1556

 

Qallinka: Rashiid Sheekh Cabdillaahi

Masar si baa loo yaqaanay oo loo sifayn jiray.  Waxaa dhacay wax ka duwan oo wixii la yidhi ba in ay buriso u dhow. Maxaynu kala soo bixi karnaa ee ah murti looga faa’iidaysan karo caynaaninta socotada taariikheed ee horteenna ah? Marka hore aynu eegno waxa dhacay iyo maxaa la odhan jiray ee shakhsiyadda Masar lagu tilmaamay.  

 

Tuunis bay ka bilaabantay, Masar baa ku xigtay, ka dibna badanka adduunka carabta ayey si weyn u saamaysay. Masar,  Liibiya, Yemen, Albaxrayn iyo Suuriya ayey ka wada oogsatay. Waa kacdoon dadweyne oo aan la filaynin. Waxaa ifafaale ah sida ay Tuunis uga bilaabantay iyo lama-filaanka  ay keentay.  Buucaziiz wuxuu ahaa, baa la yidhi, nin dhallinyaro ah oo jaamacad ka baxay, ay se shaqo la’aani badday in uu gaadhi-ximaar ku duliibiyo khudrad oo uu suuqayada la meero, si waxa yar ee uu ka helo, uu ugu  quudiyo qoyskiisa saboolka ah. Ciidanka Booliska ayaa ugu yimid koobtii uu  ganacsigiisa yar ku hayyey; gaadhi-dameerkiisii iyo wixii saarnaaba waa ay ka qaadeen oo la wareegeen. Haddii uu ka daba-tegey oo uu ku noq-noqday meeshii la geeyey iyo ciddii ka haystay gaadhiga looxa ah ee alaabtu u dul-saarnayd,  wuxuu la kulmay diidmo qayaxan, af-lagaaddo iyo tacaddi gacanta ah. Xaaladda uu ninkaasi galay waxay gayeysiisay in uu nolol ba dhammaanteed ka quusto oo uu dhinac iska dhigo. Koobtii buu isku gubay oo ku dhintay.  Shaki ma laha oo Binu Cali iyo xoogaggii madax-jebinta dadka  u qaybsanaa wax shiddo ah iska ma ay gelin ninka is-gubay, xaadina uga ma dhaqaaqin dhimashadiisa. Waayo ma ayfilaynin waxa dhacdadaas ka dab-yimid ee jiritaankii taliskooda soo afjartay. Tuunis baa isla oogsatay, boqollaal kun baa soo debed-baxay oo maalin oo dhan hadhsan waayey, habeen  idilkiina hoyan waayey. Ciidammadii amniga ee argagixinta iyo cabsi-gelinta u jabsanaa ayaa xadhig iyo rasaas ba u nacay.  Hayeeshee dadku dadkii ay bajin jireen noqon waa; finkii naxdintaa bogsaday; sidii ay filayeen xaalku ma aha. Malaayiin aan dhimasho ka cabsanaynin ee raasta laabta u dhigaya ayaa tirada keli ah ku haffiyey ciidankii gaashaanka u ahaa Bin Cali iyo kooxdiisa talo-maroorsiga. Ifafaalaha dareen-jiidashada leh ee meesha ka muuqaday waa dhawr ammuurood oo ay ka mid yihiin baaxadda dadweynaha  bananan-baxaya; waa kaalinta laf-dhabarka ah ee ay dhallintu kaga jirto; waa adeegsiga qalabka teknolojiyda casriga ee enternetka ee in badan jebisay awooddii xakamaynta  iyo cabbudhinta xukunnada talo-maroorsiga; waa sabirka, dhabar-adayga iyo ku-adkaysiga hadafka aan dib looga soo labaanayn. Waxaa intaas oo dhan dheer oo aad u muhiim ahmabda’a iyo yoolka halganka ku arooraya qaddiyada xorriyada, dimoqraaddiyada iyo majaraha bannaan-baxa dadweyne ee si kasta oo loo caracareeyo ku dheggan halkudhegga nabadgelyada ah. 

2 Wax badan baa beenoobay; derbiyo waaweynaa baa dumay, wax badan baa sidii loo  haystay iyo wixii laga qabay noqon waayey. Maxay dawladaha Marayka iyo gebi ahaan ba reer galbeed u taageerayeen xukunno wada keli-talis ah oo xorriyada, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda dadnimo ku liddi ah?  Waxay jawaabtu ahayd, dalalka carabta iyo dhammaanba islaamka isbeddel dimoqraaddi ahi ka ma iman karo; xarako dadweyne oo dimoqraaddi ahi ka ma abuurmi karto; waxaa qudha oo ka dhex-abuurmi karaa waa kooxo islaami xag-jira ah oo argaggixiso, nooca Qaacida ah.  Sidaad owgeed bay yidhaadeen, taageerada kelitaliyeyaashu waa lagama-maarmaan. Waxaa kale oo la yidhi dadyowga carabtu waa dad weligood ba ku noolaa madax-jebin iyo xukun midiidinsiga dadkiisa ku dhisan; waa na dad aan xorriyada iyo talo-wadaag midna dhaqanna u lahayn; waa dad aan,  sidaad darteed madaxdooda marna ka hor iman doonin. Giddi waxaaas oo dhan maanta maxaa ka jira?

Intaasi ba waa iga araar ee meesha aan qoraalkan kooban la maagay ee aan u danleeyaha waa Masar.  Tilmaamaha aan kor ku xusay waxay in badan ku run yihiin Masar. 

Qarniyo ayey socotaa inta dadka reer Masar laga warramayo ee lagu sifaynayo dad saan

adag oo aan is-beddelin.  Xusni Mubaarak tani 1983kii, ayuu Masar ka madaxweyne ahaa; waxaana uu ku xukumayey musuq, cabbudhin iyo xuquuqda dadnimo oo uu si walba ugu gabood-falo, la mana filaynin in uu geeri wax aan ahayn, xukunka kaga tago; ayadana waxa uu ugu gogol-xaadhayey in uu wiilkiisa dhaxalsiiyo xukunka; wax baajiyaa na ma muuqan la mana eegeynin. Adduunka carabta dhammaantii laga ma eegeyn in madaxdiisu xukunka kaga tagaan wax aan ahayn afgembi millatari, geeri ama, haddi kale, dullaan debedeed, sidii ku dhacday Saddaam Xuseen.

Xaaladda Masar Gaar ahaanteed                

Masar waxay dadkeedu yidhaahdaan Ummu Dunyaa oo macnaheedu yahay Hooyada Dunida. Ereyga Masar ama, sida  saxa carabiga ah, Misra laba wax baa dadkeedu u wada yaqaan. Ka hore waa magaca siyaasiga ah oo tilmaamaya dalka dhammaantii; ka kale na waa macanaha shacbiga ah ee ka madhan is-ahaanta siyaasadeed ee dalka, kaas oo ah magaalada Qaahira. Haddii aad, tusaale ahaan, joogto Eskandariya( waa sida magaca dadkeedu u  dhawaaqeene) ninka Qaahira u safrayaa wuxuu ku weydiin maxaddada tareenka Masar tegaya( wuxuu uga jeedaa  Qaahira tegaya). Sidaas darteed  Misra Ummu

dunya  marar badan baa looga jeedaa Qaahira oo keli ah. Islaan aannu la jaar noqonnay aniga iyo arday kale, ayaa maalintii u horrasay ee ay na argato ku celcelisay labadaa erey ee ah Misra  Ummu Dunyaa. Beri dambe oo aannu is-baranay, ayaan weydiiyey oo aan idhi Ummu Maxamed, maxaad uga jeedday Misra Ummu Dunyaa? Waxay ii tirisay bani-aadamka adduunka ku nool, inta midab ee uu leeyahay ee caawa magaalada Qaahira ku soo hoyatay.

Masar, bay tidhi( Qaahira), waa meel quruumaha dunidu ku soo qulqulayaan. Dadka reer Masar, kooda aanay waxbarashda casrigu rujinnin ee aanay dhul shishe iyo xataa dalka debeddiisa geynin, waa dad dhulka ku dheggan oo meeshii ay ku dhasheen ku dhinta. Ummu Maxamed waxaan filayaa in ay cumrigeeda ku laasatay xaafadda Caabidiin ee ku taal Qaahira; sidaas darteed, iyadu, meesha caalamka kulmisay ee  ay ku aragtay dadyowga kala midabka ah ee dunida waa Qaahira. Qaahira ayaa u ah ‘Misra Ummu Dunyaa’.

3Waagaa (lixdannadii qarigii labaatanaad), waxaan u haystay  Misra Ummu dunyaa in tahay wax ka  yimid ama ka dhashay xaaladda is-weyneynta iyo nerjisiyada Masaarida.  Si kasta ba ha noqotee, ma aha odhaahdu tu ku doodaysa ama sheeganaysa xaqiiqo cilmiyeed; bal se waa odhaah qaab suugaaneed ugu duur-xulaysa ujeeddo kale. Taariikhda kumannaaan sannood, wax badan baa Masar ka dhigaya Ummu dunyaa. Ka soo bilow Nebi Ibraahim(c.s) iyo waayadii Kancaaniyiintii; xadaaradahii Misobotaamiya, Ashuuriyiinta iyo somariyiinta, Giriiggii hore iyo waagii Alexander the great; Imbraadooriyadii Romaaniyiinta; soo-ifbixii dawaladdii Carabta ee u horraysay iyo fiditaankii Xadaarada Islaamka; Mowjadahii Maguulkii ama Tataarkii bari fog ka yimid ee khilaafadii Bagdaad cagta mariyey ee Shaam jiidhay Masar na sigay; Mamaaliiktii iyo Imbiraadooriyadii cusmaaniyiinta ee ka dambaysay, ee ayana muddada ilaa  afarta qarni ah ama ku-dhawaadka ah Caalamka Islaamka badidiisa xukumayasay; ilaa dawladaha Yurub ee casrigan oo Masar ku loollamayey tan iyo dhammaadkii qarnigii siddeed iyo tobnaad, intaba Masar waxay ahayd meel u ban-taalla soogelitaanka dad dhul kale ka yimid oo dullaan dagaal iyo nabad ba ku soo galaya.  Ma jirto meel weligeed adduunka looga socod badnaa. Dadkeeda maanta ku nooli, luqo ahaan iyo haddii la doono,

dhaqan ahaan, waa carab;  dhiig ahaan se waa dad ka soo kala jeeda qaarradaha saddexda ah ee adduunkii qadiimka ahaa.

Masar iyo Webiga Niil:

Masar  waxay leedahay wax badan oo la la yaabo. Marka la soo qaado waxyaabaheeda yaabka leh, waxaa u horreeyo oo kugu soo dhacaya, tusaale ahaan,  ahraamta Jiiza oo lagu tiriyo kuwa u mudan todobada cajaa’ib ee dunida; waxaa ka mid ah cajaa’ibkeeda timthaalka Abulhowl iyo raadadka Waadi Almuluuk iyo Macbadka Abu Sambal; waxaa kale oo kugu soo dhacaya in badan oo ka mid ah raadadka taariikhda Qibdiga iyo Islaamka oo ayaga na Masar ay hodan ku tahay. Waxaa kale oo la yaabkeeda ugu weyn ka mid ah xidhiidhka ay Masar la leedahay webiga Niilka( Nile River).

Taariikhyahankii magaca weynaa ee Giriiggii hore, ee la odhan jiray Herodotus ayaa laga hayyaa weedh can-baxday oo ah: Masar waa deeqda Niilka( Egypt is the gift of the Nile). Herodotus wuxuu noolaa oo uu hadalkaas bixiyey qarnigii shanaad, ka hor dhalashadii nebi Ciise. Maanta haddii aad Masar  tagto, toos bay ereyadaasi kuu dhaygag-gelinayaan. Odhaah kale oo Herodotus loo celiyaa waxay tidhaa:  Masar waa dhul ay dadka Masaaridu ka kasbadeen oo uu siiyey webiga Niil (Why Egypt is The Gift of The Nile; Wikipedia free incycolopedia).

Wabiga Niil wuxuu leeyahay laago badan oo isu yimaadda, waxaa se u mudan laba laagood. Laagta hore oo ah ta u dheer waa Niilka Cad(White Nile); ta kale oo ah ta u muhiimsan xagga biyaha iyo xagga dhoobayda carro sanka ah waa Niilka buluukiga ah oo asagu ka yimaadda warta Taana ee ku taal dalka Ethiopia. Ka hore, dalal dhawr ah baa biyahiisa wadaaga. Waxay biyihiisu ugu horraynta ka yimaaddaan soo na maraan dalka Ruwanda iyo dalka Tanzaniya. Waxay  biyahaasi ku soo shubmaan warta weyn ee Viktoriya ee ay wadaagaan dalalka Uganda, Tazaniya iyo keynya. Halkaas ayaa uu magaca webiga Niil ka bilaabmaa.  Guud ahaan biyaha labada webi waxaa wadaaga  dalalka Ruwaanda, Tanzania Ugaand, Ethiopia, iyo Sudaan oo ayana hadda dal kale ka go’ay iyo Masar oo uu aakhirka xeebteeda Badda Cad ku biyo-shubo. Waxaa la yidhaahdaa waa webiga Afrika iyo adduunka ba ugu dheer ( waxaa lagu qiyaasaa 6670km). Masar mooyee dalalka kale midna lagu ma sheegin, lagu ma na sheegi  karo in uu yahay deeqda webiga Niil. Masar oo keli ah ayey weedhaasi ku rumowdaa. Masar sida ay u dhan tahay waa saxaare bar robaad wax aad u yar taqaan, wax na ka bixin; nolosheedu dhammaan waxay ku xidhan tahay webiga Niil, la’aantiina dal iyo dawlad Masar la yidhaa ma jirteen.

La Socco…..

Comments are closed.