Khartuum (Geeska)- Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi oo ku gudo jiray safarkii ugu horreeyey ee uu dalkiisa dibadda uga baxo tan iyo markii xilka loo dhaariyey ayaa erey uu yidhi wax yar ka hor intii aanu ka ambabixin dalka Suudaan oo uu lugtii labaad ee safarkiisa ku tegey, waxa uu muran ka dhex abuuray saxaafadda, iyo diblumaasiyiintii Suudaan. Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay t CNN, ayaa sheegaya in Cabdifataax Siisi oo booqasho gaaban ku tegey dalkaas intii aanu ka ambabixin gegida caalamiga ah ee Khartuum galabnimadii Jimcaha ee toddobaadkii dhowaa, isaga oo shir jaraa’id ay wada qabanayeen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir uu yidhi, “Annagu waxa aanu Suudaan u aragnaa qayb ka mid ah dalka Masar” ereyadaas oo markiiba muran xooggan ka dhex abuuray saxafiyiintii goobta joogtay iyo kuwii reer Suudaan ee markii dambe arrintan faallooyinka ka qoray, sidoo kale waxaa cambaareeyey siyaasiyiin badan iyo dadka arrimaha diblumaasiyadda u dhuun daloola, oo ku doodaya in ereygani uu leeyahay macne siyaasi ah. Lagana dheehan karo in Siisi uu aaminsan yahay in Suudaan ay tahay Gobol ka mid ah dalka Masar. In kasta oo ay diblumaasiyiinta reer Masar arrintan kaga jawaabeen in uu madaxweynahooda afka uun ka xaday, ahaayeenna ereyo uu ku muujinayo walaalnimo iyo isu dhowaan, haddana taasi ma’ay qancin dadkii ereygani xasaasiyadda ku beeray oo iyagu ku doodaya in Siisi uu ku hadlayey afka Carabiga gaar ahaan lahjadda dalka Masar, sidaa awgeed aan qalad lagu tirin karin. Dad badan ayaa iyaguna ku doodaya in haddii ay ereyadani qalad kaga yimaaddeen Siisi iyo haddii ay ahaayeen kuwo uu u badheedhayba ay mar kasta leeyihiin macne diblumaasi ahaan qaldan oo u baahan in uu si cad raalli gelin uga bixiyo.
Siisi waa janaraal muddo dheer ka tirsanaa ciidamada dalka Masar, laakiin marnaba laguma tirin in uu lahaa hammi siyaasi ah, ka hor intii aanu af gembiyin madaxweynihii abid ugu horreeyey ee si xor ah dalka Masar looga soo doorto oo ahaa Maxamed Mursi, hadalladan uu hadda yidhina waxa ay astaan u noqon karaan waayo-aragnimo la’aanta iyo tababar yarida dhinaca siyaasadda ka haysata, taas oo haddii aanu hadda kadib talada ka qaadan xeel-dheerayaasha siyaasadda rug-cadaaga ku ah, keeni doonta in ay ceebo kale oo badani ka soo if baxaan