Danjire Cawil oo ka hadlay xilka loo magacaabay, kana jawaabay su’aal ay bulshadu iska weydiisay xifiltankii siyaasadeed ee madaxweyne Siilaanyo ka dhaxayn jiray

0
623

download (21)Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay oo ah la taliyaha madaxweynaha ee ictiraaf raadinta iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Danjire Cawil, oo isagoo Hargeysa jooga u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka loo magacaabay oo uu tilmaamay inuu u leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo, waxaanu xusay in ictiraaf raadinta iyo ka midho dhalinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya tahay waajib saaran qof kasta oo reer Somaliland ah, “Marka hore waan soo dhawaynayaa magacaabista uu madaxweynuhu I magacaabay, waxaanan u arkaa kalsooni oo waxaan ahay nin kaalin ka qaadan kara wada hadalada iyo ictiraaf raadintaba, marka la eego xidhiidhkaan la leeyahay dalalka jaarka iyo dunida kaleba. Markaas waan soo dhawaynayaa, waxaanan madaxweynaha la kulmayaa maalmaha soo socda oo aan kala hadlayaa sidii hawsha loo bilaabi lahaa, waanu ku mahadsanyahay madaxweynuhu.”

Danjire Cawil, wuxuu sheegay in hawsha loo magacaabay tahay qadiyad uu weligiiba jeclaa, isagoo da’ yarna uu u sameeyay inqilaab, “Qadiyadani waa qadiyad inoo wada taala, wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana waa inaan ku qancino nimankaas walaalaheen ah inaanay dawladnimada Somaliland wanaag mooyee dhibaato u keenayn, isirnimada Somali ayaynu wada nahay ka Djibouti, Hargeysa iyo Muqdisho kuwa jooga, sida ay Carabtuba u wada tahay Carab balse ay kala dawlado u yihiin ayaynu inaguna u noqonaynaa laba dawladood oo walaalo ah, waa inaan walaalaheen ku qancinaa oo aan ka dhaadhicinaa in dawladnimada Somaliland aanay wanaag mooyee dhibaato u keenayn. Markaas qadiyadani waa qadiyad aan weligayba jeclaa inaan maruun ku guulaysto oo anigoo labaatan jir ah ayaan u galay inqilaab, waana hawl aan aaminsanahay inaan doorkayga inta uu doonaba ha leekaadee ka qaadan karo, ictiraaf raadintuna maaha hawl dawladda uun u taalee qof kasta oo reer Somaliland ah way u taalaa.”

 

Danjire Cawil, wuxuu wargeyska Geeska Afrika, weydiiyay sida uu u arko xilka uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, maadaama oo ay wakhtigii uu Daahir Rayaale Kaahin talada hayay aad ugu kala fogaayeen siyaasada, wuxuu yidhi Cawil,  “Siyaasadu marxalado ayay soo martaa, markaas siyaasaduna cadaawad ma leh wakhtiga markaas taagan weeye, haddii aad istidhaahdo siyaaadu cadaawad ayay leedahay waad ku hodmaysaa. Markaas wixii aanu soo marnay waa marxalad laga soo gudbay oo waxaanu ahayn dawlad iyo xisbi mucaarad ah, maanta waxa muhiim maxay danta Somaliland ku jirtaa, yaa umadda wax la qaban kara.? Marka siyaasadda laga hadlayana madaxweynuhu ma eego kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed ee wuxuu eegaa in qofkaas uu ku tuhmayo khibrad iyo aqoon oo uu qaranka wax u qaban karo. Markaas marxaladaasi waa kuwo laga soo gudbay oo taariikhda galay, danta guud ayaana loo shaqaynayaa. Marka labaad, aniga iyo madaxweyne Siilaanyo khilaafkaas KULMIYE iyo UDUB ee dhawrka sannadood ahaa, waxa ka horeysay soddon sannadood oo aanu ahayn saaxiibo, cid walbana iskaga dhawayn.”