Dadka China Oo Lagu Yaqaannay Gaabni Iyo Jimidh Yari Ayaa Isu Beddelaya Dad Dhaadheer Oo Qaro Weyn

0
792

Beijing (Geeska)- Sahamin kala duwan oo muddooyinkii u dambeeyey la sameeyey ayaa daahfuray in hab nololeedka iyo dabeecadda cunto ee dadka Shiinuhu ay aad isu soo beddelayso, taasina ay saamayn ku yeelatay qaab-dhismeedkooda, tusaale ahaan dadka Shiinuhu waxa ay noqdeen dad sidii hore ka cunto cunis badan, isla markaana jooggoodu uu intii lagu yaqaannay ka dheeraanayo, miisaankooduna u korayo si aad u xawli ah.

Cilmibaadhistan oo toban sano la waday waxa ay daahfurtay in buurni walaac badan abuuraysaa ay si xawli ah ugu soo badanayso dadka Shiinaha, taas oo ay aad uga hadlaan warbaahinta dalkaasi. Tobankii sano ee u dhexeeyey 2002dii illaa 2012kii dherarka ragga Shiinuhu waxa uu celcelis ahaan kor u gaadhay 1.67 Mitir taas oo macnaheedu yahay in ugu yaraan Hal Sentimitir uu ku kordho dhererkii celcelis ahaan ay noqon jireen dadka Shiinuhu Toban sano ka hor. Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay oo ay samaysay Guddida Qaranka ee caafimaadka iyo Qorshaynta Qoyska ee dalka China  oo magaceeda loo soo gaabiyo CNCPF waxaa kale oo lagu sheegay in celceliska dhererka dumarka ee dalkaas uu gaadhay 1.55 mitir.

Natiijada sahamintan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee FP waxa kale oo ay sheegtay in miisaanka ragga China uu celcelis ahaan tobankaa sano kordhay 2 Kiloogaraam oo hadda uu gaadho 66.2 Kiloogaraam, halka dumarkana uu celcelis ahaan miisaankoodu kordhay 3 kiloogaraam oo imika ay inta badan noqdaan 57.3 Kiloogaraam. Guud ahaan dadka China ayaa laga dareemay korodhka miisaanka oo tobankii sano ee u dambeeyey boqolkiiba 62 kordhay, dadka miisaanka saayidka ah ka cabanaya ee qaangaadhka ahina waxa ay hadda dadka dalkaas ka yihiin boqolkiiba 32. Halka marka la eego carruurta da’doodu u dhaxayso 6 illaa 17 uu saddex jibbaar miisaankoodu ka kordhay intii 10 sano ka hor lagu yaqaannay carruurta da’daas ah, taas oo ka dhigtay in boqolkiiba 10 carruurta dalka China ay noqdaan kuwo miisaankoodu ka badan yahay intii ku habboonayd.

Dad badan oo arrimahan u dhuun daloola ayaa aaminsan in sababaha buurnida ku badisay dadka Shiinaha ay ka mid tahay dadka oo muddooyinkan dambe aad u bartay cuntooyin aanay dhaqan ahaan isticmaali jirin oo ay ka mid yihiin cuntooyinka dufanka cabba / Shiilan iyo hilibka, halka dhaqan ahaan Shiinuhu caan kaga ahaan jireen cunista khudradaha kala duwan. Caadi ahaan dadka Shiinuhu aad ayaa ay uga gaabnaan jireen dadka Jabaan iyo Kuuriya oo ay aad isugu eeg yihiin, dhinaca kalana sahamintii lagu sameeyey dhererka dadka dunida ayaa lagu ogaaday in dadka Holland ay yihiin kuwa dunida oo dhan ugu dheer, waxa aanay celcelis ahaan noqdeen ragga 1.84 mitir, iyo dumarka ay noqday 1.71 mitir.