Caabuqa Beerku (Jooniska) Waa Khatarta Caafimaad Ee Ugu Weyn Ee Aadamaha Maanta Haysata

0
1359

1London (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan kulliyadda boqortooyada Royal College ee magaalada London iyo jaamacadda gobalka Washington ayaa daahfurtay in caabuqa beerka ku dhaca ee Fayraska ahi uu maanta yahay sabab weyn oo dunida loogu dhinto, dad aad u badanna ku keenta hawlgabnimo jidheed.

Khubarada cilmibaadhistan samaysay oo baadhitaanno cilmiya iyo tijaabooyin intii u dhexeysay 1990kii illaa 2013kii ka qaaday 183 dal oo dunida ah, ayaa waxa ay iftiimiyeen in cudurkan Caabuqa beerka ku dhaca (Joonis) uu la khatar yahay cudurrada dunidu weli u caal la’dahay aadkana loogu dhinto ee ay ka mid yihiin Duumada, Qaaxada iyo Aydhiska.

Sida la’ og yahay, waxaa jira shan nooc oo ka mid ah caabuqa beerka ku dhaca ama sida aynu u naqaanno jooniska oo dhulalka Soomaalida qaarkoodna Cagaarshow loogya qaanno, shantaas nooc ee jooniska oo kala ah; A, B, C, D, E ayaa dhammaantood dhibaato iyo dhaawac gaadhsiiya beerka laakiin ka bogsashadooda iyo khatarta ay geyeysiinayaan beerku ay aad u kala duwan tahay.  Sida lagu sheegay natiijada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumayna siyaabaha lagu kala qaado noocyada caabuqa beerkana waxaa ka mid ah, dhammaan dareerayaasha jidhka oo is gaadha, sida dhareerka, dheecaanka iwm, cuntada, cabbitaanka iyo saxarada qofka bukaanka ah oo si uun u gaadha qofka caafimaadka qaba.

Cilmibaadhistu waxa ay caddaysay in caabuqa beerka (Jooniska) noociisa B iyo C ay yihiin kuwa sababa in beerku uu biyoobo, (Burburo), iyo weliba in uu ku dhaco xanuunka kasnarka labadaas xaaladood oo ah xaalado boqolkiiba ku dhowaad hal (0.96) ay dadka dunida maantu u dhintaan.

Calaamadaha waaweyn ee xanuunkan lagu garto waxaa ka mid ah indhaha oo midabkoodu huruud noqdo, daal iyo burbur badan iyo yalaalugo badan. Waxa aanay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in tirada dadka dunida maanta ugu dhinta isku dar noocyada caabuqa beerka (Jooniska) ay boqolkiiba 63 ka badan tahay tirada dadkii u dhiman jiray 23 sano ka hor, sannad kastana xanuunkan ay dunida ugu dhintaan Ku dhowaad Milyan iyo badh ruux (1.45 Milyan), laakiin muddooyinkii ka dambeeyey 1990kii waxaa in yar hoos u dhacday tirada dadka u dhinta cudurrada Qaaxada iyo Duumada.

Isbarbar dhig ahaanna  Aydhiska waxaa sannadkii 2013kii dunida u dhintay dad tiradoodu dhan tahay 1.3 Milyan, oo qof, halka xanuunkada qaaxda ay u dhinteen tiro ka badan ta Aydhiska oo ah 1.4 Milyan sannadkii, cudurka Duumadana ay u dhinteen 584 boqol oo kun oo qof. Waxa aanay khubaradu ku baaqayaan in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin caalamiya oo lagu wanaajinayo nidaamka caafimaadka ee caalamiga ah, laguna xallinayo mushkiladdan caafimaad.