Badowgii Quwadda Adduunka Hoggaamiyey Xilligii Ugu Adkaa Kamaal A. Cali (Q:2aad) kamaal02@yahoo.com

1028
1275

Qormadan oo aan ka soo xigtay ilo kala duwan iyo qormooyin warbaahintu marar kala gaar ah ka qortay hab-dhaqanka Nikita Khrushchev waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah hadalladaas kuwoodii ugu xiisaha badnaa.

– Badownimada Khrushchev waxa ay dhaaftay heerkii ay xakamayn karayeen diblumaasiyadda iyo anshaxa madaxdu, waxa aanu jebiyey baratokoollo qaarkood tobannaan sano dunida laga ixtiraamayey. Aynu soo qaadanno cadhadii yaabka lahayd ee Khrushchev lagu arkay sannadkii 1960kii isaga oo ka qaybgalayey kulankii guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Waxaa la sheegaa in Khrushchev inta uu kabta la baxay uu isaga oo cadhaysan la dhacay miiska ergadiisii uu hoggaaminayey fadhiday, isaga oo ku mudaharaadaya khudbadda uu jeedinayey ergeygii dalka Filibiin kulanka u fadhiyey oo lagu magacaabi jiray Lorenzo Sumulong, halka dadka qaarna ay sheegayaan in cidda uu Khrushchev ku shoobareeyey ay ahayd raysalwasaarihii xilligaas ee Ingiriiska Herold Macmillan oo hadal jeedinayey. Tu’ ay ahaydba ficilkan oo uu hoggaamiyaha Shuucigu ku diddanaa ficillada iyo siyaasadaha Imbaraadooriyada ku dhisnaa ee dowladaha hantigoosadku wadaan, ayaa loo arkay in uu ahaa hab-dhaqan ka turjumaya badownimadiisii caadiga ahayd iyo dhaqankii beeraleyda. La soco…

– Qisaska muujinaya Badownimadii Khrushchev ee imika dadka akhriyaa maadayska u arkaan, laakiin waayaha qaar culayska iyo khajilaadda ku hayey gacanyarayaashiisii iyo guud ahaan nidaamkii diblumaasiyadeed ee dalkiisu waa ay badan yihiin. Cidda culayska ugu badani ku dhici jirayna waxa uu ahaa hadba ruuxa masuulka ka ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Miwoga Soofiyati. Tusaale ahaan Dmitry Chebelov ayaa mar tan oo kale ku dhacday. Hoggaamiyihii midowga Soofiyati Khrushchev ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Finland, waxa aanu kulamo muhiim ah la galay madaxda dowladda ugu sarraysa oo dabcan arrimo aad u muhiim ahi u yaalleen. Waxaa la sheegaa in kulamadii uu galay Khrushchev kii ugu muhiimsanaa intii uu ku jiray oo dhan uu Khrushchev ku mashquulsanaa is xoqis uu sida ruux candho ku dhacday ama injir iyo dulin dharkiisa ku dhasheen uu si aad ah u xoqanayo laabta iyo kilaankillooyinka. Arrintani waxa ay wejigabax iyo khajilaad ku beertay diblumaasiyiintii ugu sarraysay Midowga Soofiyati ee la socday madaxweynaha, laakiin isagu uma arag in uu wax dhib leh falay, khajilaaddooda iyo indho qarsigoodana gar kuma uu siinin.

– Marka laga tago labadaa qiso oo diblumaasiyadda Midowga Soofiyati boog ku noqotay, waxaa jiray ficillo kale oo uu ku kacay Khrushchev oo iyagu maadays noqday. Tusaale ahaan mar uu booqasho ku tegey dalka Ingiriiska, madal casuumad ah oo loo dhan yahay waxa uu si ka baxsan anshaha diblumaasiyadda u caayey siyaasadihii gumaysi ee dunida soo maray. Arrintan waxaa la sheegaa in ay aad u soo dhoweeyeen aqoonyahankii iyo siyaasiyiintii Ingiriis ee iyaguba aaminsanaa in gumaysigaasi qalad ahaa. Qosol gaadhay heer malqacadaha miiska lala dhaco ayaana ka dhacay casuumad ay boqoraddu ku sharaftay hoggaamiye Khrushchev kadib markii inta uu hadal la istaagay, uu kala joojin waayey in uu caayo gumaysigii oo dabcan gumaystaha ugu weyn  uu ahaa Ingiriiska oo uu xaruntiisii joogo.

Waxa uu ka sheekeeyey dacaayadaha ay gumaystuhu ka faafin jireen dadka ay gumaysanayaan, si ay dadkooda ugu qanciyaan siyaasadda gumaysiga. Qisaska uu sheegay waxaa ka mid ahaa in gumaystuhu uu ku andacoon jiray in dadka Ruushku ay abuur ahaan xayawaanka oo kale iska yihiin dabeecadaha dugaaggana leeyihiin. Khrushchev oo doonaya in dadka madasha fadhiya uu u caddeeyo in sheekadaasi been iyo dacaayad gumaystuhu sameeyey ahayd, ayaa inta uu mar keliya dadkii dhegeysanayey hortoodda foorarsaday oo koodhkii dheeraa uu dib isaga soo laabay si dabadiisa loo arko waxa uu yidhi, “Waar, waa kaas ee bal eega oo, wax dub ah miyaa aad igu aragtaan?” Qosol ayaana mar keliya kuraasta laga daatay, laakiin diblumaasiyiintii la socotay waxa ay ahayd madal kale oo ay la foorarsadeen khajilaadda uu u soo hooyey hoggaamiyahooda badowga ahi.

– Badownimada Khrushchev waxa ay heerkii ugu sarreeyey gaadhay markii isaga oo booqashadii boqortooyada Ingiriiska ee rasmiga ahayd ku gudo jira, gaar ahaan munaasabad ballaadhan oo ay boqoraddu ku sharaftay, inta uu ku jeedsaday agaasmihii baratoolka iyo munaasabadaha rasmiga ah ee boqortooyada Ingiriiska, kadibna inta uu farta si badownimo ah ugu fiiqay Amiir Philip oo ah boqoradda saygeeda ku yidhi, “Ii sheeg; waxa uu ninkani meesha ka qabanayo?”

Agaasimihii oo naxdin iyo argagax indhuhu waaweynaadeen ayaa ugu jawaabay, “Mudane, ninka aad sheegaysaa, waa boqoradda odaygeedii!”

Diblumaasiyiintii iyo madaxdii la socotay Khrushchev intaas naxdintu uguma ekaan, falkaas foosha xun ee hoggaamiyahoodu kaga nixiyeyna halkaas kuma uu joogsan ee waxa uu xeedho iyo fandhaal sii kala riday, markii agaasimihii baratakoolka ee u jawaabay uu haddana Khrushchev si xaalayn la’aan ah oo degdeg ah ugu yidhi, “Maya, Maya, uma jeedo sidaas. Waxa aan ku leeyahay maalintii maxaa uu qabtaa ninkani?” (Weli waa amiirkii ninka uu u jeedaa), Cidiba kuma ay wada hadlin oo qof kastaa afkiisa ayaa uu xidhay, jawaabna lama siin hoggaamiyaha badowga ah.

– Hoggaamiyihii Shiinaha ee ay Khrushchev uu xinfiltanka weyni ka dhexeeyey ayaa aan isna ka nabadgelin badownimada Khrushchev. Waa Mao Zedong oo ah aabaha aas-aasay jamhuuriyadda dadka ee Shiina, waxa uu ahaa hoggaamiye gacan bira leh oo aad looga baqdo, ciddii ka hortimaaddana cagta saara.  La soco…

Comments are closed.