Gabiley(Geeska)-Hay’adda Action Aid iyo Wasaaradda Beeraha ayaa si wada jira Shalay kormeer indho-indhayn ah ku tagtay tuulooyin ay ka hirgalisay Action Aid mashaariic ku saabsan biyo qabatino, kuwaas oo kala ah Tuulada Ijaara, Boqorka iyo Alleybaday ee Gobolka Gabiley.
Mashaariicdan biyo qabatinka ah oo ka koobnaa Balliyo, Barkado, Qarbado iyo Ceelal ayaa dhamaantood ba ahaa kuwo biyaysan, isla markaana Hay’addu ugu talo gashay inay kaga gaashaantaan dadka deeganaadaasi abaaraha ugana faa’idaystaan cabitaan dhanka dadka, xoolaha iyo beerahaba ah. Biyo qabatinnadan ay hirgelisay Hay’adda Action Aid ayaa kala aha 14 Balli biyood ah,3 Barkado ah, 33 Ceelal Gacmood ah iyo 180 Qarbad ah.
Kormeerkan Indho-indhaynta ahaa oo warbaahinta kala ah Geeska Afrika, Horn Cable Tv iyo Tv-ga qaranka Somaliland ku wahelinayeen Masuuliyiinta kormeerka samaynayay ayaa ugu horayn waxa ka war bixiyay Mashaariicda ay fulisay Action Aid, Xaashi Cabdilaahi oo ka mid ah saraakiisha Action Aid kaas oo ku dheeraaday faa’idada ay u leeyihiin dadka deegaanka biyo qabatinadan loo sameeyay waxaanu yidhi “Deegaankan aynu marayno iyo deegaano kale oo Hay’adda Action Aid ka shaqayso oo Gobolka Gabiley iyo Maroodi jeexba ka tirsan biyuhu waa caqabad markaa kolay inaynu indho indhayno waxqabadkii aynu sanadkii ina soo daafay ee 2015 halkan aynu ka qabanay ayna ka mid ahaayeen kalana gadisnaayeen isla markaana waa wakhtigii Beer qodaalka iyo beeraha la qodayay taana bal aanu ku dhiirigelino bulshada sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ee beeraha loo qodan lahaa iyadoo kolay Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha kale ee khusayso iyo Action Aid intaba aanu iska kaashan doono sidii wax soo saarka beeraha iyo qodaalka beerahaba dadka looga caawin lahaa. Si guud hadii aan u dul maro kolay Action Aid barnaamijka Somaliland kolay waxaanu ka shaqaynaa Gobollada Maroodi-Jeex, Gabiley, Togdheer iyo Sanaag afartaa Gobol sanadkii ina soo dhaafay hadii aan is yar isu dul taago biyaha maxaan ka qabanay guud ahaan waxaan dhisnay 180 Barkadood ayaanu saddexda gobol ka dhisnay 33 Ceelasha biyaha ah waxaanu qodnay 18 Balli biyood ayaanu si gaara khaas ahaan deegaanadan beer roobaadka ah sida Ijaara, Taysa, Xidhinta, Boqor deegaanada la mida laga dhisay sidoo kale sayndhaamyada qaybaha loo yaqaano ayaa iyana 5 ka mid ah laga xidhay guud ahaan kuwaasina waa tusaalayaal ka mid ah uun waxyaabaha aanu ka qabano biyaha. Ujeedadayaduna waxa weeye kolay biyuhu caqabado badan bay yihiin sidoo kale waxaanu qaybinay 180 Qarbad oo kuwa biyaha ah, Billiyada aanu hirgalinay cabirkoodu waa ilaa 12m kuyuubig oo u dhiganta 60,000 oo foosto ugu yaraana ilaa 200 qoys ayaa ka faa’idaysan doona muddo saddex bilooda inay isticmaali karaan biyahan. Kolay Qarbada biyaha ee aanu qaybinayna micnahoodu waxa weeye guri walba sidiisa ayaa loogu dhigayaa laakiin marka biyuhu sidan oo kale u buuxsamaan ama biyuhu ay sii yaraanayaanba inta badan way ka qaadaan oo Qarbadkay ku shubtaan si wakhtiga abaarta ay u isticmaalaan. Ujeedadayaduna waxay tahay inaanu bulshada ku wacyigelino wax soo saarka waa wakhtigii tabaca iyo waxqabsashada ilaahay baa mahad le mar hadii biyihii inoo diyaar yihiin inaynu wax soo saarka iyo xagii beeraha awooda saarno”.
Waxa kale oo isna ka hadlay isuwuwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe waxaanu aad u faah-faahiyay mashaariicda kala gadisan ee Hay’adda Action Aid ay ka fulisay deegaanadani isagoo tilmaamay in Mashaariic wax ku ool ah oo bulshada wax u taraya ay deegaanadani ka hir gelisay “ Marka hore ilaahay baa mahad iska leh oo inaga soo saaray abaartii ku dhacday dalka ee dad iyo duunyaba saamaysay marka labaad waxaan u mahad naqayaa Hay’addan Action Aid oo maanta(Shalay) aan joogno wax qabadkeedii mid ka mid ah guud ahaan hadaan dib ugu noqdo Action Aid muddo dheer bay ka shaqaynaysay Gobolkan waxyaabo fara badan oo la taaban karana way ka qabatay oo u badan kordhinta wax soo saarka iyo kor u qaadka aqoonta beerlayda iyo waxqabadka biyaha. Balligaa aan maanta(shalay) joognaa wuxuu ka mid yahay waxqabadkii sanadkii dhamaaday ee Hay’adda Action Aid ka fulisay Gobolkan Gabiley gaar ahaan beeshan Ijaaraad sidaan la socono biyuhu waxa weeyaan muhiimadda koowaad ee nolosha Bani’aadamka iyo xoolahaba, hadaan biyo la helin markaa nololi ma jirto bihuhuna waxay u baahan yihiin weelkii lagu qabsan lahaa waynu naqaanaa oo dhulkeena waxa da’a roobab fara badan roobkaa inta badan biyahoodu waxay tagaan badda ayay ku dhacaan markaa Balliyada ay Action Aid fulisay biyihii ina dhaafi lahaa wax bay ka qabanayaan mar labaad wuxuu wax ka tarayaa deganaananshihii deegaanadan oo had iyo jeer oomane u badan aad iyo aad buu wax uga qabanayaa siday noloshoodu kor ugu qaadmi lahaayeen waxaan markaa ku dhiiri gelinayaa dadka beeralayda ah ee deegaankan ijaaraad inay ka faa’idaystaan mashaariicdaa ay Action Aid u fulisay”.
Guddoomiyaha Tuulada Ijaara ayaa isna ka waramay waxqabadka ay Action Aid ka fulisay deegaankiisa iyo deegaanada kaleba, waxaanu sheegay in Hay’adda Action Aid tahay hay’adda ugu waxqabad ka badan deegaankiisa “Hadii aan ka wararmo waxqabadka Action Aid deegaan ahaan waa hay’adda ugu wax qabadka badan deegaankan Ijaara weeyaan, runtii Balligan aynu joogno maanta(Shalay) wax laga faa’idaysanayay ma jirin imika ka hor intii abaarta lagu jiray bayna Action Aid wax ka qabatay. Waxa kale oo ay samaysay oo kale ilaa 8 Barkadood oo dayac tir ah oo kuwii dayac tirka ahaaya ayay Action ka qabatay intii ay halkan nala joogtay Qarbadada oo kale 54 Qoys ayaa Qarbadda la siiyay runtii saacado badana way noo qodaa waanan ugu mahadcelinaynaa abaarta sanadka dhacdayna hore umay jirin sanadka ka hor tu noocan noo saamaysaa may jirin, markaa sanadkana dedaalkii in Action Aid na sii kordhiso iyo Hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa Dawliga ahba ayaanu inshallaa waydiisanaynaa”.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay waxqabadka ay fulisay Hay’adda Action Aid, isla markaana sheegay in Action Aid wax wanaagsan u qabatay “waan u mahadnaqaynaa Action Aid wax wanaagsan bay noo qabatay biyihii way nagu filnaadeen biyihii ay noo qabatayna waxyaabo badan oo faa’ido leh bay noo kordhiyeen oo meeshaa abaaruhu ka dhaceen waxna laga cabi jirin wax badan bay noo qabatay balliyadii ay noo xidhay waa kuwaa noo buuxa waanu ugu mahadnaqaynaa Action Aid. Waxay Action Aid noo qabatay kii iska deganaa daaye kii soo qaxay ayaaba faa’ido ka gaadhay ee waddanka isaga yimi, kii deganaa iska daa faa’dada aad halkaa ka samayseen aakhirada iyo aduunyadaba ilaahay wuu idinka ajar siinayaa anaguna aad iyo aad baanu uga faa’idaysanay”.
Kormeerka Action Aid ay samaysay waxa kale oo goob joog ka ahaa Mustafe Cabdilaahi oo ka tirsan Hay’adda Action Aid Masuuliyiinteeda iyo Maxamed Saani oo ah Madaxa Hay’adda Action Aid ee Somaliland.
Diyaariye: Maxamed Muuse Cismaan