18 MAY: Garanaye Maanta

0
1055

Garanye Maanta, oo ah maanso laga tiriyay goobtii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga qaranimada somaliland oo ku oo ku beegnayd 18 May, ayaa waxa tiriyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Jaamac Warsame Kayd .

 

Maansadan oo ka hadlaysa duruufihii iyo dhibaatooyinkii loo soo maray gooni isu taaga qaranimada somaliland ayuu  abwaanku ku qeexayaa in 18 May aanay ku iman hawl yaraan ee ay ku timi dhiig loo daadiyay iyo maal loo huray. Waxaanu ku bilaabay sidan,

“Rashiidaw gan gaan ahay intaan garanayee joogay

Ninkaygaa cirradu gaamurtee guudka ka cadaaday

Gelin maanta farax lala simaa iima soo geline

Gobonnimada soo hoyotay iyo calanka guudkeena

Galbis iyo mushxaradiyo kalgacal golaha loo xaadhay

Gugaa hooray roobkaa gudladay geediyo ubaxa

Jiilaalkaa guuriyo rucdiga nalaga guud qaaday

Gudcurka iyo cadada kala gurtiyo kalacda waa khayrka

Guryo samaha aan joogna iyo libin ku geeraarka

Sahal laguma gaadhayn hadaan dhiig u gobo’layne

Guunyo iyo naf baa loo huree lama gardaadsheene

Waana guul jahaad lagu dhacsaday gumuc rasaaseede

Markaan allihii nagu galladay mahadnaq gaadhsiiyo

Goorteed xisaab iyo maxkamad lays gar mariyaaye

Intaan wixii ruuxba gayo geliyo diiwaanka

Guhaadaw halkaa aan ku xidho geedigii hore’e

Soo gudub u jeedada haday gob’di joogtaaye

Gobaad hanashadeedaa ka adag hawshi loo galaye

Godloshada xorriyaddiyo calow xeesha garab taala

Gaawaha mar kale loo cushiyo gooshkan marinkeeda

Durba guuxa maan kiyo hadana gacala xiisoodka

Gufaacada qalbiga daacada ah waxa u gawaamaaya

Guunyaha waxaan ka arkayiyo halista gawdiidda

Anoon gudan karayn waajib kay gadefna ii muuqdo

Gocoshada waxaan qabo anoon gabey ku koobaynin

Xilkastaba geyaankii hadii loo tix gelinaayo

Geesigii Hadraawee lahaa dhaadashada gaafkan

Inta ay gadhlaw maqan yihiin Gaariyiyo Qaasim

Waxba yaan murtida gaasirka ah gacan togaalayne

Guntin iga dardaarana anoon ararta gow-gowdhin

Gorfii talada xeer beegtidaa galabta loo dhiibay

Gar bay u igu tahee aan xusuus garashaday taarto

Gole dhexe suldaan iyo garaad guurti iyo culumi

Garaad waayo aragiyo nin door danaha loo gaatay

Guddiyahay la dhaarshee xilkii guudka laga saaray

Hasheedii gudhnaydee wax badan loo gu’ tirinaayay

Waagii gumaystii cadaa looga gacan saydhay

Iyadoo shilkeedii gu’oo godol ku soo joogo

Garan waa ahayd iyo si kale loo gurracayeeba

May gaaso bixin maalintii loo gabood falaye

Waa tii gabraatiyo dhufteen guuto daalin ahe

Waa tii gondaha loogu xidhay geed adaahiya’e

Waa tii ganboor lagu sadee ee ciinka loo guraye

Waa tii gollida lagu maslee godatay maan deeqe

Waa tii ilmadu gabax tidhee gooha dhiidhidaye

Waa tuu xaqlaa Samir gun taday dhaaxo goodiyaye

Waa tii garawshiyo li’i looga dhaar galaye

Goortay xun tahay lama sinee gaar rag baa u le

Gabbaan iyo nin liid maalintuu gees isaga leexday

Ee gocor danaystiyo ka hadhay fulayna soo giigay

Gar gaar eebbe iyo sharaf intuu maalay ganactiisa

Ma gabade halyayaa markaa dhiig u kaacsadaye

Gurmad iyo rogaal wuxuu ahaa guuto iyo weerar

Intuu yaab kasbaday iyo intuu gaystay mahadhooyin

Ee gebi ku caan baxay mar qudha dunida guudkooda

Ama goob xusuus liyo dharaar gunutay taariikhdu

Hadaynaan gafayn waan qabnaa garashadeediiye

Ged gedoonkii waayaha waxay gelinba heer joogtay

Guryo keena maandeeq intay gool kii dhaliyeene

Saddon guuro dabadeed mar kale gaydhe soo hor’e

Gadiid laysu soo baxay wataa guushi loo dhigaye,

Waa se guul cokone Maxamedow fulaye goor dhawe

Guri lagu nagaadiyo hadaan goosi lagu foofin

Goolkiyo hadaan la isku  celin gabanta siicaysa

Oon gaabiskiyo laysku wadin gaanihiyo tawlka

Geesaha wax saydhmiyo hadaan goosan laga eegin

Ama garasho jirin geelu waa wabax taraaraaye

Gadaynu nahay baa ka dhigan saaka gabaxawe

 

Waxaan uga kol leeyahay murtida hadalkiyo gaaban

Gadmashadii horaan weli qabnaa gocashadeediiye

Gef u dhacay is moodsiis shalay mahadhaduu gaystay

Gubashiyo xanuun iyo dhib iyo geeri loo mudaye

Inta hanad galbaday iyo intuu gumucu naafeeyay

Waayeel goblamay iyo intuu gaban agoomoobay

Inta gaari weer loo xidhee guri madaw joogta

Intaan gabadh la sheegaa ka hadhin garan gar meel taalay

Intaan ruux la garanayn halkuu inala soo gaadhay

Inta guunyo mood iyo wax nool galalafkii raacday

Gayigaa burburay ee naftii aragtay giigayso

Ee aan gabbood iyo lahayn guri dhig loo hoydo

Ee maxastii geediga ku timid gubadka hoos jiifto

Een miinadii cidi ka gurin gogosha loo siiyey

Ee aanay gaawiyin suntii ciida lagu gaacshay

Ee godonbiyoodkii dhexyaal giganihii maydku

Ee cudur gumaadiyo u kadan gaajo lagu hoobto

Maatada gawaantay madhnayd lagaga soo guuray

Gacalkiyo hilbaa kala lumee waayo kala geeyey

Een geeridoodiyo is hubin nolol wax soo gaadhay

Ee gabi ka siman baahidiyo guud ahaan tamarta

Een galin xamilin hawl dambiyo gadaw wax loo saaro

Guddiyahay la dhaarshee xilkii guudka laga saaray

Garsoorkaa la qaatiyo shirciga diinta lagu goostay

Galladoodu waa daacadnimo lagu gardaadshaaye

Gadhwadeen isugu baaqay iyo raray u gaadiidda

Gur-gurshaa hayinabay rabtaa gibil madaadsha’ahe

Gocmo wada jiray doonaysaa loo garwaaxsado’e

Gurmad iyo dadaal loo dhanyiyo gees u wada jeede

Gunti giijis ficil iyo dadnimo loo gudboonyahaye

Siday guushu tahay eebbaheen hayna garan siiyo

Gabagabadii maansada waxaan hadal ku soo gaabshay

Go’aankeenu waa tuu ahaa layli goboleeye

Hadba geeba geedka ugu dheer uga garaac doona

Goldoloolo waa badantahee geeskastaba eega

Kuwa garab ku daaqlayniyo gaabiska ilaasha

Ha gadmina kalgawlaha haduu dirir godseek yeesho

Wali gabagabaa lagu jiraa gama ka dheeraada

Lafaa gura guddoonkana ka jira dhaawac godob reeba

Goob kastoo adkaatana rabbaa guulle tala saara

Markastana gafdhawraa jiriyo guurti kuu maqane

I afgaro gufaacada jirkaa galaw ka qayshaaye”