Hargeysa(Geeska) :-Xildhibaan Maxamed Max’ud Yaasiin(Dheeg) oo ka mid ah mudenayaasha aqalka golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka soo hor-jeestay afhayeenkii dhawaan loo magacaabay golahaasi ee xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka mid ah xildhibaanadda Guurtida, waxaana uu tilmaamay in aanay shirci ahayn in afhayeenka golahaasi ay ku hadasho cid aan ahayn guddoomiyaha aqalka Guurtida Md.Saleebaan Maxamuud Aadan.
Xildhibbaan Dheeg, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale in aan qof golahu dooran aanu noqon karin afhayeen Baarlamaan.
“Muddadii aanu muddo kordhinta samaynay waxa laga joogaa muddo badan ilaa maalintaasna nin ayaa idin sheegan jiray afhayeenka golaha Guurtida Somaliland, gole kasta oo Baarlamaan afhayeenkoodu waa gudoomiyahooda, qof aanu goluhu dooran ma sheegan karo afhayeen gole baarlamaan, waxa afhayeen gole Baarlamaana ah guddoomiyaha golahaasi loo doortay marka aynu yara balaadhinana waxaynu u naqaana shir-guddoonka.”.Ayuu yidhi Xill.Dheeg.
Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu intaas raaciyey. “Golaha Guurtidu waa gole madax- bannaan oo nin kasta oo mudane ahi uu afkaartiisa iyo aragtidiisa si madax-bannaan u soo jeedin karo laakiin nin aanaan dooran in go’aankii golaha Guurtida ee 72-ka mudane ka go’aan gaadheen uu suuqa la wareegaysto ma aha mid na qabata mid laga dhagaystana maaha, caalamka oo dhan afhayeenka Baarlamaanadu waa guddoomiyahooda ama shir gudoonkooda.”
Sidoo kale waxa uu xildhibaan Dheeg sheegay in ficilada uu sameeyo xildhibaan Indho Indho ay dabciyeen go’aamaddii ka soo baxay aqalka golaha Guurtida ee ku aadana muddo kordhintii Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada Somaliland.
“Arinta kale ee aanu ka damqanay waxa weeyaan go’aankayagii 72-ka nin ka go’aan gaadheen oo dabcay durba sidii uu ula wareegaysanayey suuqa oo uu leeyahay afhayeenkii ayaan ahay oo uu leeyahay cid ayaan maxkamad keenayaa oo uu leeyahay cid ayaan ku xidh xidhayaa. Waxaanu nahay gole miisaan leh oo aan la murmin guddida doorashoyinka iyo xisbi mucaarid ah toona hana caayaan iyagu waxay doonaana hanaga sheegaan, go’aankayagii golaha Guurtidana waxa laga hadli karaa marka la helo nin leh waa bilaa sharci oo maxkamadda sare geeya oo yidhaa wixii ay golahaas ka soo baxay waa bilaa sharci markaana qof kale uma jawaabayo ee shir-guddoonkayaga ayaa jawaabta siinaya iyo cabasho qoraal ah oo nidaamka golaha soo martay oo shir-guddoonka loo keenay haddii uu qancin kari waayana golaha la soo hor dhigo oo laga doodo, markaas ayaana laga jawaabi karaa go’aankii goluhu gaadhay laakiin wad wadkiisa ayaad moodaa inuu naga dabciyey oo meelo badan laga soo galay go’aankayagii.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Xildhibaan Maxamed Max’ud Yaasiin (Dheeg), waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in aanay marnaba aqbali doonin afhayeenka uu guddoomiye Saleebaan u magacaabay golaha Guurtida Somaliland.
“Ma doonayno, mana fiicna, raalina kama nihin, aniguna shakhsiyan golaha ayaan ka mid ahay mana ogola shakhsi ila mid ah oo aanan u dhiiban afkaartayada inuu yidhaa waan matalayaa, golaha Guurtida waxa magaciisa ku hadli kara guddoomiyaha golaha, waxaan ka maqlay gudoomiyaha ayaa i magacaabay guddoomiyuhu haddii uu xilkiisa gudan waayey nooma magacaabi karo qof kale waana inuu yidha waxa uu afhayeen u yahay aniga(guddoomiyaha) ama shir-gudoonka.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Maxamuud Dheeg.