Xaaskiisii Ayaa Uu Ka Badbaadiyey Xasuuqii Dhowaan Ka Dhacay Las Vegas, Laakiin Isagii Ayaa Ku Dhintay

0
988

Washington (Geeska)- Arbacadii toddobaadkii hore waxaa talefishanka Maraykanka ee NBC u warrantay Haydar Golish oo ah haweenay uu qabay nin ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii dhowaan uu ninka hubaysani dadka badan ku laayey magaalada Laasfeegaas ee dalka Maraykanka. Haydar inta ay warramaysay marar badan ilmada ayaa ay xejin kari weyday oo murugada xusuusta saygeeda dhintay ee Sooni Milton ayaa inta ay ka tan badiso ay hadalka jaraysay si ay u oydo. In Sooni Milton uu ahaa saygeeda ay jeclayd waxaa sii dheer in ay illaawi kari la’dahay dadaalka yaabka leh ee uu u galay badbaadinteeda intii uu socday weerarka dadka lagu laayey.

Xusuus waaraysa

Haydar oo ka warramaysa dareenkeeda geeridan ayaa tidhi, “Qayb wadnahayga ka mid ah ayaa aan waayey” waxa aanay intaas ku sii dartay, “Waxa uu ahaa jacayl noociisu dunida dhif ku yahay, waxa uu ahaa shakhsi maalin kasta noloshayda farxad ka buuxin jiray. jacayl xad dhaaf ah ayaa aanu isu qabnay, xitaa dadka ayaa dareemi jiray jacaylka naga dhexeeya. Alla is jeclaynaa” Haydar oo xusuusta jacaylkeeda god galay la ilmaynaysa ayaa intaas ku sii dartay, “Weligay jacaylkaas waa aan qabi doonaa, waayo waxa aan ogahay in mid la mid ahi aanu soo noqon doonin” Waxa aanay caddaysay in aanay marka hore jeclayn in ay waraysigan Talefishanka bixiso, laakiin haddana ay jeclaysatay in aanay dadka ka qarin wanaaggii Sooni iyo in uu ahaa qof noociisu dunida ku yar yahay.

Sidee ay habeenkan wax u dhaceen?

Sooni waxa uu ahaa kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya cisbitaal ku yaalla Peach Sandy oo ka tirsan gobalka Tennessee, xaaskiisa Heydaar ayaa iyaduna isla goobtan kala shaqayn jirtay oo ahayd kaaliye qalniin. Habeenkan masiibadu heshay waxa ay ka wada qaybgaleen bandhigga muusikada ahaa ee ‘Rot 91 Harvest’ oo ah munaasabad lagu soo bandhigo muusikada reer baadiyaha iyo dhaqanka Maraykanka la xidhiidha, oo sannad kasta mar la qabto. Sababta ay Heydaar iyo Sooni goobtan u yimaaddeen waxa ay ahayd xuska sannadguurada arooskooda oo ku soo beegantay bandhiggan.

Sidii dadka badankoodaba ku dhacday bilowgii Sooni iyo Heydaar dhawaqa rasaasta baxaysay waxa ay u qaateen in uu yahay noocyo ka mid ah dananka muusikada dhaqanka ahaa ee goobta laga tumayey ama rashash damaashaadka munaasabaddan loo riday. Sooni markii uu fahmay in xaalku aanu kaftan ahayn ayaa inta uu xaaskiisa soo qabsaday uu sida ilmo yar laabta gashaday oo jidhkiisa oo dhan ku duubay si uu uga ilaaliyo dhibta.

War uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ku sheegtay in Heydaar oo ka warramaysay tallaabada uu Sooni qaaday ay tidhi, “Waa ana gartay in uu noloshayda badbaadinayo” iyada oo intaas ku sii dartay, “Markii aanu garanay ini dhawaqa baxayaa uu rasaas run ah yahay, oo aanay ciyaar iyo damaashaad ahayn sida bilowgii ay dadku wada moodayeen, ayaa inta uu dhinacayga soo eegay uu igu yidhi: Ina daadaji, si aanay dadku inoo jiidhin, kadib gacantiisa iyo jidhkiisa oo dhan ayaa uu iga xigsiiyey dhinacii ay rasaastu ka soo dhacaysay” Heydaa waxa ay sheegtay in isla markii ay soo ordeen si ay hoos ugu dhaadhacaan, in ay rasaasi dhabarka kaga dhacday Sooni oo markiiba dhulka ku dhacay. “Dadkii oo dhan ayaa dhulka daadsanaa, waxa aan isku dayey in aan gurmad degdeg ah u sameeyo, laakiin waxba uma uu tarin” ayaa Heydaar.

Waxa ay garwaaqsatay in geeridii ku soo dhowaatay

Maadaama oo ay Sooni mihnadda caafimaadka ku dhex jirtay, gaar ahaan qalniinka, waxa ay markiiba garatay in saygeedu uu naf ka bax ku dhowyahay, in la badbaadiyaana aanay suurtogal ahayn, wax kasta oo la yeelaba. Waxa ay tidhi, “Dhiig ayaa afka ka socday, aniguna waa aan qaylinayey, Gurmad, Gurmad, Gurmad, aniga oo filaya in ay cid uun i caawin doonto” Markii dambe qof ayaa u yimi oo caawiyey, waxa uu la qaaday saygeeda Sooni oo uu garabka saaray, waxa aanu la soo gaadhsiiyey bannaanka dhismaha oo uu saaray gaadhi goobta taagnaa oo laba kale oo dhibbanayaasha falkan ahi sii saarnaayeen. Heydaar waxa ay sheegtay in qofkaas caawiyey oo aanay garanayn uu in badan ka caawinayey gurmadka degdegga ah isla markaana illaa cisbitaalka la geeyey Sooni” Halkaas ayaa uu Sooni Milton oo laba sano ka hor 2015 kii jaamacadda ka qalinjebiyey ku geeriyooday, isaga oo qalbiga xaaskiisana kaga tegey xusuus aan abid duugoobayn.