Hargeysa(Geeska)Xukuumadda Somaliland ayaa sii xoojisay go’aamadii ay hore u soo saartay, iyada oo sheegtay in shirkadaha diyaaradaha lagu khasbay in ay raacaan shuruucda maamulka hawada Somaliland, ama ay ka leexdaan hawadeeda.
Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa BBC Somali u sheegay in ay xukuumad ahaan go’aansadeen in shirkad aan oggolaansho ka haysan xukuumadda Somaliland aanay isticmaali karin hawadooda. Waxa uu sheegay in fariimo loo diray dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala garoomada Somaliland ama mara hawadeeda.
Go’aamadan ayaa diyaaradaha ku waajibinaya in ay aqbalaan shuruudaha Somaliland iyo in ay amar ka qaataan Wasaaradda Duulista, cid kasta oo diidana aan hadda kadib loo oggolaan doonin isticmaalka hawada Somaliland.
“Shirkadaha qaar ayaa bilaabay in ay buuxiyaan shuruudaha Somaliland, kuwa aan shuruudahaas buuxinina waxa ay ku qasban yihiin in ay hawada Somaliland ka leexdaan. Berri laga bilaabo 11:00-ka, shirkadii aan oggolaansho haysan ee diyaaradeedu soo marto hawada Somaliland tallaabooyin kale ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Nuux.
Wasiirku waxa uu sheegay in diyaaraduhu aanay diidi karin amarada Somaliland, isla markaana ay ku qasban yihiin in ay raacaan, isaga oo sheegay in diyaaradi kasta ay u baahan tahay taageerada Somaliland haddii cilad ku timaaddo — sida in ay si degdeg ah ugu degto madaaradeeda, in haddii ay shil gasho ay u baahantahay taageerada Somaliland, iyo hagida Somaliland marka ay hawada ku jirto.
“Waddan aan waxaaba bixin karin awood uma laha, xaqna uma laha in uu yidhaahdo anaa bixinaya oggolaanshaha diyaaradaha hawada maraya. Taasi ma shaqayn doonto, wakhtiga ayaa beenin doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Nuux.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in go’aankoodu yahay mid kama dambays ah, isla markaana dal-ku galka Soomaaliya aan marnaba Somaliland lagu soo geli karin. Waxa uu intaas ku daray in ay fariimo la wadaageen waddamada xafiisyada ku leh Somaliland, iyaga oo u sheegay in dal-ku-galka Soomaaliya aanu ka shaqaynayn Somaliland.
“Fiisaha Soomaaliya laguma soo geli karo Somaliland.
Somaliland waxay qaadatay nidaam ah in fiisaha lagu qaato madaarada. Qofkii imanaya Somaliland fiisaha madaarka ayuu ka qaadanayaa — Hargeysa ama Berbera — ama sidoo kale xafiisyada ay Somaliland ku leedahay adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirku











