Wasiiradii Somaliland Iyo Itoobiya U Saxeexay Heshiiska Dekedda Berbera Oo Ku Kala Aragti Duwan In Saamiga Addis Calaamad U Yahay Aqoonsiga Somaliland

47
4006

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Wasiirada arrimaha dibadda Somaliland iyo gaadiidka ee Itoobiya Dr. Sacad Cali Shire iyo Axmed Shide, oo ahaa labadii wasiir ee dalalkooda u saxeexay heshiiska saddex geesoodka ah ee Berbera, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay saamaynta uu heshiisku ku leeyahay aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sida ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee Bloomberg, ayaa wuxuu warbaahinta ugu sheegay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta in saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera uu calaamad u yahay “aqoonsiga” Somaliland.  Itoobiya ayaa saami dhan 19% ku leh maalgashiga dekedda Berbera.

Laakiin wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Axmed Shide oo ahaa  masuulka Itoobiya u saxeexay saamiga dekedda Berbera, ayaa Bloomberg u sheegay inaanu saamigu la xidhiidhin aqoonsiga Somaliland, “Saamigu wax xidhiidh ah lama laha madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland.” ayuu ydihi wasiirkan oo telefoonka ugu waramay wakaaladan isago jooga magaalada Addis Ababa.

Wasiir Shide, wuxuu kaloo hoos u dhigay suurtogalnimada in xurgufi ka dhalato arrimaha dekedda Berbera, “Dhinacyadu waxay ugu dambayn fahmi doonaan in arrintani tahay horumar dhaqaale.”

Geesta kale, wakaaladda wararku waxay soo xigatay hadalo kale oo uu Wasiir Sacad Cali Shire, warbaahinta ku siiyay Dubai, kuwaas oo uu kaga jawaabayay weedhaha dawladda Soomaaliya ee heshiiska saddex geesoodka ah ee Berbera, “Haddii ay Soomaaliya go’aansato inay Somaliland ku soo qaado weerar arrimaha horumarinta Berbera darteed, waxaanu xaq u leenahay inaanu ciidayada difaacno.” ayuu yidhi.

Wasiirka khaarajiga ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in la hakiyay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, “Sababtoo ah” ayuu yidhi Wasiir Sacad, “Ma jirto wax miiska lagu soo wada fadhiistaa xaalada noocan oo kale ahi markay jirto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here