Iyada oo dhaqaalaha wadanku marxalad adag maanta marayo, ayaa waxaa farxad leh inaad madaxwayne u tafaxaydatay, sidii dhaqaalaha wax looga qaban lahaa, inkasta oo aad ku koobtay sicir bararka iyo qiima dhaca shilinka Somaliland. Arrinkaa oo runtii dadweynuhu tabayay marhorena inoo ekkaa in lagu dhaqaaqo. Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland waxa uu u baahanyahay oo kaliya, in loo maareeyo sidii aad adigu u maaraysay markaad madaxweyne Cigaal u ahayd wasiirka maaliyada oo qiimaha sh/SL halka doolar ku fadhiyay 2750 SLSH intii aad wasiirka maaliyada ahayd.
Mushkilada dhaqaale ee ina haysata ee u baahan in wax laga qabto maaha oo kaliya qiima dhaca Shilinka Somaliland, ee way badan yihiin. Baahiyahaa badanina waxay u baahan yihiin dhaqaale lagu maareeyo. Si loo helo dhaqaalahaa waa in la qaadaa talaabooyin lagu kobcinayo dhaqaalaha.
Waxaad moodaa talaabooyin badan oo dawladu isku dayday inay wax kaga qabato dhaqaalaha ay waxba ka socon waayeen. Anigoo ka duulaya dhawaaqaagii dhawaan ee ahaa in dadwaynuhu soo gudbiyaan wixii talo ah ee ay hayaan ee lagu maarayn lahaa dhibaatada dhaqaale ee jirta, ayaan waxaan halkan ku soo gudbinayaa wixii talooyin ah ee aan hayo, si loo kobciyo dhaqaale wax ku ool ah.
In la qabto shir qaran oo sal balaadhan (National Economic Forum) oo lagu gorfaynayo sidii loo kobcin lahaa dhaqaale wax ku ool ah oo lagu maareeyo dhibaatooyinkeena kala duwan sida shaqa la'aanta dhalinyarada iyo horumarinta wadanka dhinacyadiisa kala duwan. Shirkaasoo ay kasoo qaybgalaan dhaqaalayahanada, golayaasha baarlamaanka, xukuumadda (wasaaradaha qorshaynta, maaliyada iyo bangiga dhexe iyo wixii lamida). Waxaan ka digayaa in arimaha maaraynta dhaqaalaha laga qayb galiyo talo aan Somaliland ahayn sida Baanka Aduunka(World Bank) iyo IMF-ta oo waligood daawo dhaqaale u keenin wadan aduunka sadexaad ah.
Ajendayaasha shirka lagaga hadlayaana ay noqdaan:
a. In cashuuraha laga soo uruuriyo kastamada iyo dakadaha ee miskiinku bixiyo loo gudbiyo kuwa wax haysta inay iyaguna bixiyaan sida sharciga loogu leeyahay(macaashalmacaash…).
b. In hoos loo eego lacagta faraha badan ee kasoo bixi karta xawaaladaha, isgaadhsiinta iyo shidaalka oo ummada faroguudkood kasoo galaan.
c. In ay shaqeeyaan hayadaha xisaabaadka guud(General Accountancy) iyo hayadda ilaalinta hantida ummada (Auditing ) si loo helo(Accountability & transparency) si loo ilaaliyo hantida ummada ee sida qaldan loo isticmaalayo, loona xakameeyo musuqmaasuqqa baahsan.
d. In dib loogu noqdo waajibaadka bangiga dhexe ee JSL iyo wax qabadkiisa, sida ilalinta qiimaha lacagta shilinka JSL iyo halista ka soo socota lacagaha adag ee telefoonada laysugu diro sida (Zaadka iyo eDahabka) taasoo aakhirka keeni karta in lawaayo hantidaa, hadii sharcigeeda iyo doorkii baanku meesha soo gali waayo.
e. Si loo ilaaliyo habsami u socodka dhaqaalaha waa in wasaarada maaliyadu dabasocoto qorshaha wasaarada qorshayntu samayso(in wada shaqayntooda lays waafajiyo).
f. In hayadaha wadanka caawiya ku shaqeeyaan qorshaha dawlada ee horumarineed, fulinteedana aan faraha looga qaadin.
g. In doorka dawladda dhexe ay ku leedahay dawladaha hoose la adkeeyo lana meel mariyo, si wax qabadkooda hore loogu mariyo, taasoo dhaliilo fara badan iyo musuqmaasuq badanba ka jiro.
Shirkan lagaga hadlayo arimahan iyo kuwii kale ee muhiim ah ee halkan aanan ku xusin ba waa in si degdeg ah loo qabto.
QORE: MUSTAFE JAAMAC XIRSI
Tell phone #: +252 (0) 63 4403199
Email address: mmjami99@gmail.com