War Deg dag Ah: Liiska Xildhibaanada U Tartamaya Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Shaaciyay

3
330

Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayanle ayaa shaaciyay  magacyada xildhibaanada utartamaya jagada gudoomiye ku -xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kadib markii gudoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax loodoortay inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada.

Xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid  ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu saaka qabtay, waxayna kala yihiin magacyada xildhibaanada u tartamaya jagada gudoomiye ku-xigeenka koowaad sidan:-

  1. Xildhibaan Axmed  Yaasiin Ali Ayaanle
  2. Xildhibaan Axmed Abdi Kaahin Casood
  3. Xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale
  4. Xildhibaan Sulaymaan Cawad Cali Bukhaari
  5. Xildhibaan Xasan Muuse Hufane
  6. Xildhibaan Abdilaahi Axmed Yuusuf Madar
  7. Xildhibaan Maxamuud Cumar Jiir
  8. Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa
  9. Xildhibaan Maxamuud Baaruud Shide
  10. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
  11. Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

 

Comments are closed.