Waddani Oo Masuuliyiin Reer Axmed Dhagax Ah U Magacaabay Xilal

0
266

Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mas'uuliyiin cusub u magacaabay xilalka guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex iyo weliba sida oo kale guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax, waxaana ay go'aamiyeen in laga bilaabo shalay ay guddoomiye ku xigeenka gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI ay u magacaabaan Maxamed Cabdullaahi Cismaan halka guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax na loo magacaabay Xuseen Faarax Odowaa.

Xilalkan uu Xisbiga WADDANI u magacaabay mas'uuliyiinta, ayaa dhawaan mas'uuliyiin hore u hayey uu xisbigaasi ka qaaday.