Waxa galabta la ciyaari doonaa kulan aad u xiiso badan, waxaana fooda isdari doona labada gobo lee Gabilay iyo Sool kuwaas oo kawada tirsan Groupka-B. Gobolka Gabilay ayaa leh 4 Dhibcood iyo 1 gool (+1), kaas oo hore uga soo adkaaday gobolka Daad-madheedh, sidoo kalena baraaje waxay la galeen gobolka Hawd.Halka gobolka sool aanu wali gaadhin wax guul ah, waxaana laga adkaaday labadii kulan ee uu ciyaaray, waxaana uu leeyahay rajo aad u liidata, isagoon lahayn wax dhibco ah.
Kulankan ayaa ah mid kooxda gobolka Gabilay uu kusoo bixi doono haddii uu badiyo, halka baraajaha qudhiisa uu sugi doono natiijada kulanka Isniinta ee gobolada Daad-madheedh iyo Hawd. Dhanka kale gobolka Sool ayaa isagu aan lahayn wax rajo ah, waxaanu raadin doonaa inuu xoogsado dhibco ay kala noqdaan garoonka Hargeysa Stadium, si aanay ugu dhicin dhibco la’aan.
Ugu dambayn Groupkan ayaa aha mid aad u adag, waxaana adag in la saadaaliyo kooxaha soo bixi doona, waxaana laga warsugi doonaa labada kulan ee ka hadhsan.
Kala saraynta Groupka-B
Gobolka Hawd: 4-Dhibcood iyo 2 Gool
Gobolka Gabilay: 4-Dhibcood iyo 1 Gool
Gobolka Daad-Madheedh: 3 Dhibcood iyo 0 Gool
Gobolka Sool: 0 Dhibic iyo -3 Gools