Shirkii Cabdale Abokor Iyo Sheekh Cismaan Oo Laga Soo Saaray Go’aamo Lagu Taageerayo Xisbiga Waddani

0
873

Hargeysa(Geeska)-Waxa habeen hore magaalada Hargeysa shir balaadhan ku qabsatay in ka badan 200 oo qof oo ka soo jeeda Beelaha Cabdalle Abokor iyo Sheekh Cismaan oo ka tirsan Beelaha Arab, waxaana shirkaas laga soo saaray go’aamo siyaasadeed iyo kuwo dan guud ah.

Shirkan oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiinta, odayaasha, wax garadka, dhallinyarada, aqoonyahanka iyo haweenka beelahani. Siyaasiyiinta, odayaasha, dhallinyarada iyo haweenka oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa ka waramay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, waxaanay garwaaqsadeen inay taageero la garab istaagaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ay ku jiraan hal-doorka beelahani.

Go’aamada shirka laga soo saaray oo uu akhriyay aqoonyahan Cali Jibriil Xirsi, ayaa waxay u dhignaayeen sidan:

1.Ilaalinta Amniga iyo qaran nimada Jamhuuriyadda Somaliland

2.Ilaalinta midnimada beelaha Cabdale Abokor iyo Sheekh Cismaan

3.In meel looga soo wada jeesto horumarinta iyo danaha guud ee beelaha Cabdle Abokor iyo Sheekh Cismaan

4.In majarahaa siyaasadeed ee beesha looga danbeeyo siyaasiyiinta waa weyn ee ay beeshu leedahay

5.Waxaa ay beeshu isku raacdey in ay taageero buuxda la garab istaagto mid dhaqaale iyo mid codba xisbiga mucaaridka ah ee Waddan iyo murashixiintiisa madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. murashax madaxweyne-xigeen Maxamed Cali Cabdi.

Sidoo kale waxa shirkaas lagu magaacabay guddi dhallinyaro ah oo ka shaqaysa isku xidhka iyo danaha beelahan iyo weliba wixii muhiim ee ah ee soo kordha. Guddiga ayaa waxay kala yihiin:

Siyaasiyiinta halkaas ka hadashay waxa kamid ahaa siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, siyaasi Jamaal Xuseen Hurre iyo siyaasi Maxamed Cali Madoobe oo ka tirsan xisbiga Waddani, Naasir Cismaan kuwaas oo soo bandhigay arrimaha ay tahay inay beeshu ku taageerto xisbiga Waddani. Sidoo kale Mujaahidiin, ganacsato iyo odayaal iyaguna halkaas ka hadlay ayaa cadeeyay inay taageersanyihiin shirkan iyo waxyaabihii ka soo baxay oo ay ugu horayso arrimaha siyaasaddu.

Waxaana aakhirkii halkaas lagaga dhawaaqay guddi dhallinyaro oo hagta danaha iyo arrimaha reerka, kuwaas oo kala ah:

  1. Maxamed Mahad Muxumed, Guddoomiye
  2. Cabdishakuur Daa’uud Maaweel, guddoomiye-xigeen
  3. Dr. Ilyaas Jibriil, xoghaye
  4. Cabdinajax Ismaaciil Cabdi, xubin
  5. Dr. Khadar Good Nuur, xubin