Rasmi: Sam Allardyce  Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub ee Xulka England

0
323

adaTababaraha kooxda kubadda cagta Sunderland, Sam Allardyce, ayaa Si rasmiya loogu Magacaabay tababaraha cusub ee xulka Ingiriiska – iyadoo Galinkii Dambe Ee Shalay Si Rasmiya loogu dhiibay Xilka Tabobarnimo ee Wadanka England.

 61-jirkan ayaa waxa uu badeli doonaa tababarihii hore ee Ingiriiska Roy Hodgson oo iscisalay kaddib guuldarradii layaabka lahayd ee ay England kala kulantay xulka Iceland tartankii Qaramada Yurub ee Euro 2016 ee xagaagan lagu qabtay dalka Faransiiska.

Allardyce, oo hore usoo tababaray kooxaha West Ham, Newcastle iyo Bolton, ayaa todobaadkii la soo dhaafay wadahadal la yeeshay Xidhiidhka Kubadda Cagta Ingiriiska ee FA iyadoo sidaana uu kaga adkaaday ninkii shaqadan kula tartamayay ee Steve Bruce oo haatan ah tababara kooxda Hull City.

Allardyce ayaa isaga tegi doona kooxda Sunderland kaddib 9 bilood oo uu u ahaa tababare, iyadoo ay kooxda Sunderland ayaa hore xidhiidhka FA-ga uga codsatay inay howsha dadajiyaan, maadaama horyaalka Ingiriiska ay ka hadhsan tahay wax ka yar muddo bil ah. Sidaas oo ay tahayna hada waa inay Soo Magacawdaa Tabobare Cusub.

Allardyce ayaa xilka tababaraha xulka Ingiriiska u galay imtixaan kaddib markii uu 2006-dii Ciyaarihii Adduunka kaddib xilkaasi banneeyay Sven-Goran Eriksson hasayeeshee waxaa xilka loo magacaabay Steve McClaren.

Ciyaartiisa ugu horreysa ee adag ee uu tababare u yahay Ingiriiska ayaa waxa uu 4-ta bisha Sebteembar kaga hortegi doonaa xulka Slovakia, ciyaartaasina waxa ay ka mid tahay isreebreebka Koobka Adduunka.