Rasmi:  Gool-hayihii Hore Ee Arsenal Alex Manninger Oo Ku biiray Kooxda Liverpool

0
339

Alex-500x300Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid aad uga dukaamaysanaysa suuqa kala iibsiga ciyaar yahanda sanadkan, waxaanay maalinkii shalay sameeysay Saxeex labaad oo ay kula soo wareegtay gool hayihii hore ee kooxda Arsenal Alex Manninger. Liverpool ayaana ku shaacisay websiteeda rasmiga ah inay heshiis ku meel gaadha kula soo wareegtay goolhayaha 39 jirka ah ee Alex Manninger oo ahaa Xor, waxaanu noqon doonaa Gool hayaha sadexdaad ee kooxda Liverpool.

War rasmi ah oo kasoo baxay Livepool ayaa lagu yidhi “Waxaan si rasmiya aanu u xaqiijinaynaa in Alex Manninger uu kooxda u saxeexay heshiis waqti kooban ah, isgoo kasoo tagay kooxda FC Augsburg ee dhamaadka xili ciyaareedka”.

Gool hayahan ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxaha Arsenal, Fiorentina, Udinese iyo Juventus. Dhanka kale xidigan ayaa u baahan inuu helo warqada ogolaanshaha shaqo ee dalka ingiriiska si uu u dhameystiro inuu Livepool Kusoo biiro.