Maxa Kala Heysta Xukuumadda Kulmiye Iyo Saxaafada Madaxbanaan?

0
660

Waxa caado uu ah maamuladda faasidka ah ee musuq maasuqa, maamul xumada , boobka hantida ummadda,qabyaaladda iyo eexda hadheeyey in ay uu nugladaan oo ay ka damqadaan wax alla leh wixi war ah ee laga sheego hab dhaqankooda foosha xun .waxaaney kula kacaan saxaafadda madax bannaan caga jugleyn, xadhig saxafiyinta iyo warbaantooda ba . Hay'adda Difaacayaasha Xuquuqada Insaanka Geeska Afrika Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqday In Ay Joojiso Weerarka Suxufiyiinta Lagu Hayo Gaar ahaan Dacwadda Masuuliyiinta Hubsad

1111111111111

Hay’adda Difaacayaasha xuquuqal Iinsaanka ee Geeska Afrika ayaa ka hadashay dacwada lagu soo oogay maamulka Wargayska Hubsad,Guddoomiyaha Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tafatiraha Wargeysa Hubsad Siciid Khadar

Cabdillaahi,waxaanay hay’addu Somaliland ka codsatay in laga daayo danbiyada lagu haysto labadan wariye. Rashiid Nuur iyo Siciid Khadar Maamulka Hubsad ayaa waxa hore dacwadooda walaac uga muujisaya hay’adda xuquuqal Iinsaanka Somaliland ee Human Rights Center . Waxa kaloy ugu baaqeen xukuumadda Silaanyo iney sii dayso wariye Cabdimalik Muse Coldoon iyo jariidadaha Haatuf iyo Somalilandtimes .

Waxaan shaley akhriyey nin sarkaal police mareykan ah oo la yidhaa Danial Holtzclaw oo ka hawl gelaayey magaalada Oklahoma City oo kufsadey dumar farabadan oo lagu xukuumey 263 sano xadhig ah .. Haddaba markey maqashey warkan hay ada mareykan ee wararka lalisa ee la yidha’’ Associated Press’’ ayey bilowdey baadhitaan’’ investigative reporting’’ qoto dheer oo ku saabsan kufsiga policeku ‘kula kaco shacabka Mareykan ayey ogaadeen in ay jiraan kisas ilaa kun kis ah . cajab !! . Haddaba dadka aqoon darradu heyso ee la yaaban muxu wariye Cabdimalik Coldoon uu baadheyey kiski ninka Oromo ee lagu tuhmey innu qashey innanta yar ha ogaadaan in cilmiga saxaafadda ku jiro baadhitaan saxaafadeed ‘’ Investigative Reporting ‘’ oo marar badan ka qoto dheer kana daacad san kan police ka sida tusaalahan kor qoran.