Qaahira (Geeska)- Dawladda Qaahira ayaa sabitidii shalay soo saartay qaylodhaan la xidhiidha biyo-xidheenka ‘Hidase’ ee dalka Itoobiya uu dhisanayso, waxa aanay ka digtay waxa ay ugu yeedhay in ‘waqti intaas ka badan la lumiyo, iyada oo dhinaca kalana dalbatay in farogelin siyaasi ah lagu sameeyo arrintan, si loo qaado caqabadaha hortaagan dhamaystirka cilmibaadhis farsamo oo hore la isula gartay in lagu sameeyo saamaynta uu biyo xidheenku ku yeelan karo saamiga biyaha ay Masar ka hesho webiga Niilka.
Warmurtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa lagu sheegay in shir wadatashi oo siyaasi ahii uu dhex maray wasiirka arrimaha dibadda Masar Saamix Shukri iyo dhiggiisa dalka Itoobiya Dr. Warkneh Gebeyehu, iyada oo labada wasiir ka wada qaybgalayey kulamada heer wasiir ee gogol xaadhka u ah shirmadaxeedka Afrika oo magaalada Addis Ababa ka qabsoomi doona maalmaha Isniinta iyo Salaasada ee berri iyo maalinta xigta.
Warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar waxaa lagu sheegay in wasiirka Masar uu kulankan wadatashiga ah ku baraarujiyey in, “Heshiiskii is-fahamka ahaa ee Masar iyo Itoobiya ay ku kala saxeexdeen Suudaan, uu si cad u caddaynayey muhiimadda ay leedahay in lagu dhaqmo natiijada ka soo baxda cilmibaadhista lagu samaynayo saamaynta ka dhalan karta biyo xidheenka” sida lagu sheegay war ay faafisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool.
Waxaa warkan lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Masar uu intaas ku sii daray, “Waqti intaas ka badan oo la lumiyo iyada oo aan cilmibaadhista waqtigeedii lagu dhamaystirin in ay saddexda dawladood (Itoobiya, Masar iyo Suudaan) geyeysiin doontaa khataro aad u waaweyn” in kasta oo aanu wasiirka arrimaha dibadda ee Masar sheegin khatarahaasi waxa ay noqon karaa. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Arrintani waxa ay u baahan tahay in farogelin siyaasiya lagu sameeyo. Si arrinta jidkeedii saxa ahaa loogu soo celiyo, loona xaqiijiyo dhamaystirka geeddigii iskaashiga farsamo ee hore u jiray” ayaa uu yidhi wasiir Shukri oo mar kale aan caddayn waxa uu uga jeedo farogelinta siyaasadeed ee uu dalbanayo. Waxa aanu ku baaqay in guddidii farsamo ee saddexda dawladood hore u sameeyeen ay isugu timaaddo kulan degdeg ah oo ay go’aan kaga gaadho go’aamadii horudhaca ahaa ee uu xafiiska la talintu hore u soo jeediyey balse aan wel ila isku waafaqin.
Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa bishii Sabtembar 2016 kii ku heshiiyey in ay ka warsugaan natiijada ka soo baxda laba xafiis latalineed oo Faransiis ah, arrintanna ku xeeldheer, kuwaas oo ay dalalkani ka dalbadeen in ay warbixin farsamo ka soo diyaariyaan biyo-xidheenka ‘Hadase’ ee Itoobiya iyo dhibaatada uu u geysan karo dhinacyada, waxa aanu qorshuhu ahaa in warbixintaas ay soo dhamaystiraan bisha Ogos ee foodda inagu soo haysa. Iyada oo bishii Afaraad ee sannadkanna ay dhinacyadu isugu yimaaddeen gorfaynta warbixin horudhac ahayd, balse aan la sheegin illaa hadda natiijadii kulankaas la iskula qaatay.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar waxaa lagu sheegay in wasiir Shukri uu dhiggiisa dalka Itoobiya u xaqiijiyey, “Masar arrintan waxa ay ka tahay daraf muhiim ah oo ay suurtogal tahay in ay dhibaato ka soo gaadho dhamaystirka biyo xidheenka iyo ka shaqaysiintiisa, iyada oo aan cabashada dhianca Masar la tixgelin”
Iyada oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar intaas ku dartay in wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya uu dhinaciisa ka sheegay in “Dalkiisu uu dhawrayo heshiiskii is-afgarad ee saddexda dal iyo Iskaashiga uu dalka Masar kala samaynayo dhamaystirka hannaanka farsamo ee saddexan, iyo in cilmibadhisuhu ku dhammaystirmaan waqtigii hore la isula gartay.”