Mario Gotze oo ka tagay Kooxda Bayern Kuna Biiray Kooxdiisii Hore Ee Borussia

0
196

2014-FIFA-World-Cup-Germany-Celebrates-1-0-Win-Against-Argentina-Mario-Gotze-Scores-1Xidiga Mario Gotze ayaa Dib ugu noqday kooxdiisii Hore ee Borussia Dortmund isagoo macasalaameeyey kooxda Bayern Munich oo uu indhawaale ahba ku qaatay kursiga kaydka.

Xidiga heerka Caalami ee Wadanka Germany Gotze ayaa maalmahii lasoo dhaafay wadahadalo kula jiray Kooxdiisii hore ee Dortmund, ka dib markii uu ku guuldaraystay in uu saamayn xoogan ku yeesho Kooxdiisii hore ee Bayern Munich.

Xidigan ayaana dib ugu biiray kooxdiisii hore maalintii Khamiistii wxaanay ay kula soo wareegtay adduun gaadhaya 26 Million oo Euro, isagoo u saxeexayna Heshiis Mudadiisu tahay Sadex Sandood.

Laacibkan ayaa Wixii Ka dambeeya Hadda Qayb ka Noqon doona xidigaha Kooxda Borussia Dortmund ee Xilli Ciyaareedka cusub 2016/2017-ka, waxaanu uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu laabashada Magaalada Dortmund.

Si kastaba ha ahatee Ciyaariyahan Mario Gotze ayaa iska diiday yabooh iyo Rabitaan kaga yimid Kooxaha Liverpool iyo Tottenham, waxaanu Cadeeyey inuu wali Jecel yahay Inuu kasii ciyaaro Horyaalka Wadankiisa Jarmalka  Ee Bundes-Ligaha.

Mario Gotze ayaa si wayn loogu xasuustaa goolkii uu ka dhaliyey Argentina sanadkii 2014-kii, kaas oo xulkiisa Germany ku qaaday Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil. Goolkaasi ayaana ahaa mid ay Germany Sugayeen muddo 20 sanno ka badan, maadaama oo koobkani ahaa ka qudha oo Germany ku guulaystay isagoo Midaysan, waxaanay Gashay taariikhda.