Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah ku Dilay Xubin Al-Shabaab ah

0
517

Mogadisho (Geeska) War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo Ciidamaada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya. Waxana weerarkaasi ku dhintay hal shaqsi oo ka tirsanaa xubnaha Ururka Alshabaab, sida lagu sheegey war saxafaadeedka.

Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho. Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaratay, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si loo difaaco amaanka islamarkaasina looga taqalluso halista kooxda.