Man United Oo Soo Bandhigtay Funaanada Ay Ku Ciyaari Doonto Xilli Ciyaareedka 2016/2017.

0
262

article-3704477-368690AA00000578-526_964x386

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah u soo ban-dhigtay garamaanteeda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda ee ay ku ciyaarayaan kulamada garoonkooda ee martida loo yahay, waana sidii la filayay naqshadda cusub ee shirkadda Adidas.

Toddobaadyo ka hor ayaa dhawr jeer wadamadda India, China iyo Indonesia waxaa si qarsoodi ah loo baahiyay nashqadda cusub ee garamadda 1-aad ee Man United, laakiin kooxda Red Devils ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay.

Soo ban-dhigista garamadda cusub waxaa ka qeyb qaatay saxeexa cusub ee Zlatan Ibrahimovic, kabtanka kooxda Wayne Rooney, Daley Blind iyo xiddigo kale. Garamaantan oo ay samaysay shirkadda Adidas ayaa ka kooban laba midab oo casaan ah oo la isku daray, qeybta bidix ee garanka waa casaan furan, halka qeybta midigna ay ka sameysan tahay casaan tiq ah, waxaana kala badha farshaxan fiican oo dhexda ka mara.

Dhinacaha garamadda waxa ay ku leedahay saddexda xariiqmood ee ay Adidas caanka ku tahay, waxaana ay ka sameyn yihiin midibka cadaanka ah, qoorta garamaantuna waa mid wareeg ah. Surwaalka gaaban (Nigisku) waa cadaan ay geesaha ka marsan yihiin saddexda xariiqmo ee Adidas oo casaan ah, halka sharabaadadu ay yihiin madow iyo casaan isku jira.

Ugu dambeyntii garamadda labaad ee kooxda Manchester United ee kulamadda martida ay yihiin waa wada buluug sida aan hore idiin kugu soo ban-dhignay.