Madaxweyne Biixi Iyo Su’aalaha Loo Baahanyahay Inuu Ka Jawaabo Ee Ka Dhashay Socadaalkiisii UAE

0
1472

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayay oo dhawr maalmood safar ugu maqnaa dalka UAE ayaa Axadii ku soo laabtay caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Biixi, ayaan sidii looga bartay saxaafadda wax war ah siinin si ay umada ugu sii gudbiso, bedelkiisana waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo sheegay in Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta UAE ay ka wada hadleen dhawr qodob oo ay shacabku su’aalo badan iska weydiiyeen.

Madaxweyne; yaad la kulantay?

Mudane Madaxweyne, inkastoo uu Wasiirkaaga khaarajigu sheegay inaad masuuliyiitna dawladda UAE ka wada hadasheen dhawr qodob oo kala duwan, haddana wasiirku ma sheegin masuuliyiinta aad la kulantay kuwa ay yihiin iyo darajadooda, lamana arag wax muuqaal ah oo ay madaxtooyadu la wadaagtay warbaahinta oo ku saabsan kulamadaas, sidii looga bartay safaradii aad hore dibadda uga baxday oo ay madaxtooyadu warbaahinta la wadaagtay meel kasta oo aad martay.  Waxa keliya ee la ogyahay inaad saddex habeen ku maqnayd dalka UAE.

Madaarkii Berbera

Mudane Madaxweyne, Wasiirkaaga arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in saldhigii milatari ee UAE ka dhisanaysay Berbera sidoo kalena loo isticmaali doono duulimaadyada rayidka ah, “Waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Laakiin Madaxweyne heshiiskii ay xukuumadii Siilaanyo ka ansixisay labada gole Baarlamaan waxa ku jiray qodob sheegayay in UAE dhisi doonto madaar shacab. Qodobka 8aad ee heshiiskaas, faqradiisa ‘T’ waxay odhanaysay in dawladda UAE dhisi doonto madaar cusub “ T) Dhismaha Madaar cusub oo laga hirgeliyo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).” Sidaas ayuu u dhignaai qodobka 8aad ee heshiiskaas labada gole ansixiyeen, faqradiisa ‘T’.

Waxa markaas Madaxweynoow la isweydiinayaa ma isbedel ayaa lagu sameeyay qodobadii heshiiska oo UAE waxay joojisay dhismaha madaarkii cusbaa ee heshiiskaas ku jiray. Waa su’aal Madaxweyne, lagaa sugayo inaad umadda uga jawaabto

Is afgarad, heshiis mise wada hadal

Madaxweyne, wuxuu wasiirkaaga arrimaha dibadu sheegay in qodobada kale ee in la xuso mudan ee aad ka wada hadasheen dawladda UAE ay ka mid ahaayeen in UAE iyo Somaliland sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland oo gaadhsiisa caalamka ama dalalka kale ee Carbeed, “Arrintaasi waa arrin weyn oo la soo galay oo la filayo inay dhaqaalaha badan ka qaban doonto” ayuu yidi Wasiirul khaarajigu.

Madaxweyne, Wasiirku ma sheegin in hay’adan cusub laga wada hadlay, ama is afgarad laga gaadhay amaba heshiis la saxeexay. Saddexdaas midka ay tahayba waxa lagaa sugayaa inaad umadda u soo bandhigto, waayo xooluhu waa laf dhabarta dhaqaalaha umadda Somaliland, waxaana dhoofinta xoolaha Somaliland ka shaqaysa ganacsato badan oo reer Somaliland.

Sidoo kale wuxuu Wasiirku sheegay in laga wada hadlay in sidii loo xoojin lahaa baanka dhexe ee Somaliland.

Laakiin waxa xiiso badan inaanay weftiga Madaxweyne Biixi ka mid ahayn cid ka socota Baanka Somaliland amaba wasaaradda xanaanada xoolaha oo ay labadan qodoba khuseeyaan.

Warbaahinta UAE

Socdaalkan uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalka UAE wuxuu noqonayaa socdaalkii saddexaad. Marka laga reebo socdalakiisii u horeeyay oo ay warbaahinta UAE warbixino badan oo kala duwan ka diyaarisay, socdaalkan u dambeeyay iyo socdaalkii ka horeeyay waxa muuqata in warbaahinta UAE oo ay gacanta ku hayso dawladda UAE aanay wax warbixino ah ka diyaarin Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa.

Madaxweyne, socdaalkaagii u horeeyay waxay warbaahinta UAE siisay ahmiyad gaar ah, socdaalkii labaad waxay warbaahinta UAE  u muuqatay inaanay wax dareen ah siinin, socdaalkan u dambeeyayna waxa xataa la waayay wax muuqaal ah oo ku saabsan socdaalkaaga shaqo ee UAE iyo kulamada aad ka qayb gashay.

Gunaanad

Madaxweyne, socdaalkaagan u dambeeyay wuxuu ahaa kedis, iyadoo aanay bil ka soo wareegin socdaalkii u dambeeyay ee aad UAE ku tago, ayaad haddana socdaalkan u dambeeyay ku gaadhay dalkaas. Waxa socdaalkan la iska weydiinayaa Madaxweyne su’aalo badan oo ay ka mid yihiin su’aalahn xagga sare ku xusan iyo weliba kuwo kale oo badan. Madaxweyne, waxa markaas loo baahanyahay inaad umadda la hadasho oo aad uga jawaabto su’aalo badan oo ka dhashay socdaalkan iyo weliba hadalka wasiirkaaga arrimaha dibadu siiyay saxaafadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here