Madaxweyen Cirro: ” Waxaan Murugada La Wadaagayaa Hooyadii Ubadkaas Dhashay, Oo Aan Leeyahay Illaahay Qalbiga Haku Adkeeyo

0
14

Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka hadlay dhacdadan carruurta yaryar ayaa ku tilmaamay dhacdo ugub ah oo murugo  xambaarsanayd, waxaanu yidhi, “afarta carruur ah oo aan dembi lahayn, oo aan waxba galabsan aabbahood gubay, waa dhacdo ugub igu ah, oo arxan darro ah, waxaan murugada la wadaagayaa hooyadii ubadkaas dhashay, oo aan leeyahay Ilaahay qalbiga ha u adkeeyo”.

Aabbahan gubay carruurtiisa, ayaa ciidanka ammaanku qabteen, waxaana lagu hayaa xarunta ciidanka dembi baadhista, halkaas oo falkan uu geystay lagu baadhayo. Lama hubo inay jirto sabab kale oo kalliftay falkan iyo inuu xanuunsanayay iyo in kale, balse baadhis ayaa ku socota.

Carruurtan ninka dhalay ayaa ahaa shan caruur ah, waxaana dabka uu qabadsiiyey gurigiisa ka badbaaday ilmihii u yaraa oo ay hooyadii sidatay.

Falkan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay Somaliland, ayaa waxa uu argagax ku abuuray bulshada, iyada oo si weyn maalmihii u dambaysay loo hadal hayey.

Carruurtan ayaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Hargeysa, iyada oo lagu wado inuu ka qayb galo Madaxweynaha Somaliland iyo mas’uuliyiinn kale oo ka tirsan xukuumadda.