Kulan Dhex Maray Waftiga Murashaxa Xisbiga Waddani Iyo Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya

0
912

Addis-Ababa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa Shalay kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi Dr Workneh Gebeyehu.


Weftiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa si Baratakool sare ah lagu soo dhaweeyey weftiga.
Waxaanu ugu horayn Weftiga Murashax Cabdiraxmaan Ciro uu kulan la yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu, kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wada-hadleen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal loona sii xoojin lahaa.
Sidoo kale Weftiga Murashax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulan ay ku wehelinayeen Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murashaxa Baashe, waxay Xafiiskiisa kulan kula qaateen Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Waxaana kulankaasi oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac ugu muhiimsanaa;-

  • Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.
    • Sii xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
    • Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.