Ku Dhawaad Musliminta Lagu Dhibaataynayo Myaner Oo U Qaxaya Dalka Bangaladhiis

0
252

Waxaa aad u kordhay xasuuqa lagu hayo dadka muslimiinta ee Rohingya ee ku nool dalka Myamar kuwaas bilaabay inay ka qaxaan dalkaaasi, waxayna gaadheen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Dadka qaxaya ay badankoodu galaya dalka ay jaarka yihiin ee Bangaladish.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in korodhka badan ay ugu wacantahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kala ka qaxaya.

Rabshadaha ka jira Myamar ee dadka lagu qixiyay ayaa waxa ka dambaysay markii xasuuq ba’an loo geystay dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool. Dadkan ayaa markii hore bilaabay inay iska caabiyaan booliska dalkaasi, balse xaaldu way ka sii dartay.

Dowladda Myamar ayaa beenisey eedeymaha la xidhiidha inay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay galayeen dalka Bangaladesh , iyaga oo gudbayay xudduuda labada dal.

Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga ayaa buuxsamay, dadka cusub ee halkaasi gaadhayana waxa ay dagayaan meelo cusub.

Dadka qaarkood ayaa masaafo dheer lugeynaya, qaarkood ayaa doomo ku baxsanaya, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaadhay Bangaladesh maalintii arbacada.

Dhibaatada lagu hayo dadka Muslimka ah ee Nyamar ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi haweeynayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato.

Dalka Turkiga ayaa hore  ugu digay xukuumada Nyamar, isagoo sheegay inuu talaabo military ka qaadi doono haday joojin waydo xasuuqa dadka muslimiinta ah ee dalkaas ku nool.