Kooxda Liverpool Oo La Soo Wareegtay Xidigii Ugu Goolasha Badnaa Kooxda Newcastle Xili Ciyaareedkii Hore.

0
405

103536922_Wij-SPORT-large_trans++qVzuuqpFlyLIwiB6NTmJwfSVWeZ_vEN7c6bHu2jJnT8Kooxda Liverpool ayaa soo afjartay heshiis £25m ah oo kooxda Newcastle ay kaga iibsatay laacibka khadka dhexe ee Wijnaldum.Liverpool ayaa heshiis la gashay kooxda u dhaadhacday heerka labaad ee Newcastle United oo ay ka soo qaadanayso xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

 

Labada kooxood ayaa dhamaystiray heshiiska ciyaartoygan, waxaana Liverpool kula soo wareegtay adduun gaadhaya £25million.

 

Wijnaldum oo u dhashay waddanka Holland ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda u duulo waddanka Maraykanka oo uu kaga daba-tegi doono Liverpool oo ku sugan California oo ay ugu diyaar garoobayso xili ciyaareedka soo socda, waxaana uu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Newcastle Arbacadii.

Wijnaldum ayaa u ciyaaray Newcastle xili ciyaareedkii hore 38 kulan, waxaana uu u dhaliyey 11 gool isagoo noqday laacibkii ugu goolasha badnaa, laakiin bandhig ciyaareedkiisu kamuu caawinin inay ku sii negaato heerka koowaad, waxaanay kooxdu hoos ugu dhaadhacday kooxaha tartanka Championship ee heerka labaad oo ay ka ciyaari doonto.

Wijnaldum ayey Newcaslte £14.5 milyan xili ciyaareedkii hore kaga iibsatay kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven.

Laacibkan ayaana noqonaya ciyaartoygii 6-aad ee Liverpool soo iibsato ilaa iyo hadda xilli-ciyaareedkan soo socda ee 2016/2017.