Jeclaan Lahaayee Qof Taladan Oo Kale I Siiya Intii Aanan Siyaasiga Noqon (Turjumaddii: Kamaal A. Cali (Q:3)

0
740

Picture2

Waxba tari mayso in aad iska yeel-yeesho (Iska dhigto) sidii oo aad ka fiican tahay shaqada aad ku jirto. Suurtogal ma’aha in aad siyaasadda guul ka gaadho, haddii aad mar kasta u muuqato in aad xaqirayso xeerarka iyo hab-dhaqanka caamada.

Ceebaynta iyo nacaybka nolosha siyaasadda ee dhibta iyo qallafsanaanta badani waxa ay ku fiican tahay uun marka laga dhex sheegayo qolalka aqoon-is-weydaarsiga la isugu yimaaddo, laakiin masiibo ayaa ay ku tahay ol’oleyaasha siyaasadda. (Iska jir adiga oo siyaasad u ol’olaynaya haddana in aad dadka u caydo siyaasadda iyo nolosheeda)

Nacaybka iyo dhadhan la’aanta siyaasaddu waxa ay caan ka dhex tahay dadka guulo ka gaadhay meelo kale oo siyaasadda ka baxsan, sida cilmiga, saxaafadda ama ganacsiga, iyo dadka siyaasadda galay iyaga oo watay male maangal ah oo ah in magaca iyo heybadda ay ku kasbadeen guul ay ka gaadheen xirfad iyo shaqo kale oo ay soo qabteen uu si toos ah ugula soo guuri doono siyaasadda. Laakiin lama soo guurto (Haddii hawlaha kale ee aad qabato iyo xirfaddaada aad guulo ka gaadhay magacna ku heshay, magaceedu ma’aha in aad u qaadato in siyaasadda haddii aad gashana aad sidaas oo kale ugu guulaysanayso, ama magacii aad hawshaa hore ku heshay aad uga faa’idaysan karto siyaasadda) Dadka ay la tahay in ay xaq u leeyihiin oo ay u qalmaan inay mansab iyo awood helaan, maadaama oo ay iska aaminsan yihiin in ay garaad badan yihiin, (Fariidnimo), maalqabeen ama caanna yihiin. Dadkaasi waxa ay inta badan u dhow yihiin in ay guuldarraystaan. Waxa ay illowsan yihiin in qofku uu gaadhi karo mansab iyo awood aanu u qalmin ama xaq u lahayn. Taasi waaba waxa ugu fiican ee ay dimuqraadiyaddu leedahay, waana sababta keliya ee keentay illaa hadda in aanay si buuxda taladeenna iyo maamulkeenna gacanta ugu wada dhigin maalqabeenka tirada yari.

Waxa laga yaabaa in siyaasadda aan galay, aniga oo aan aqoonsanayn awoodda iyo sarraynta ciyaartan (Siyaasadda) iyo dadka ciyaarayaba, laakiin waxa aan siyaasadda ka tegey aniga oo siyaasiyiinta u haya tixgelin ka badan tii aan u hayey markii aan siyaasadda ku soo biirayey. Kuwo horumuud ku ah xirfaddan (Siyaasadda) iyo khaayimiin, cid kastaba waa aad ka dhex helaysaa siyaasiyiinta. Kuwooda ugu fiican waxa ay faan u yihiin dimuqraadiyadda. Waa kuwa yaqaanna farqiga u dhexeeya qofka mucaaradka ku ah ama loollanku ka dhexeeyo iyo qofka cadowgooda ah, kuwa kala yaqaanna marka ay tahay in ay qaataan oo ku qancaan xabbadda roodhida ah badhkeed iyo marka ay tahay in ay ku adkaystaan in ay moofada (Warshadda furinta) oo dhanba wada qaataan, kuwa yaqaanna marka ay tahay in ay aaminaan oo ku dhegaan aragtidooda iyo go’aanka ay gaadhaan iyo marka ay tahay in ay dadka dhegeystaan.

Jaalkayga maskaxda badan ee aan hadalladooda dhegeystay waxa aan ka bartay cashar aanan ku baran golaha sharci dejinta ee dimuqraaddiga ah (Baarlamanka). Nolosha (Siyaasadda) waxaa ka mid ah in aad naqdido dhammaan waxyaabaha dadka lagu duufsado, sida musuq-maasuqa, laaluushka, daacad-darrada iyo laba wajiilenimada, laakiin haddana maalin kasta loo soo shaqo tago, laguna dadaalo sidii wax uun looga qaban lahaa.

Liberaalisam ku (Siyaasad ku dhisan falsafad ah xorriyad iyo sinnaan oo afka qalaad lagu yidhaahdo Liberal) waxa ay noqon doontaa aragti ku soo ururta dad tiro yar oo sii yaraanaya, haddii aanay dadka isku sheega in ay yihiin Liberaal (Aragtidaas ku shaqaynayaan) iimaankood isu-dulqaadashada, is cafinta iyo sinnaanta ku xidhin in ay fursad u noqoto (Liberaalisamku) cid kasta oo ay ka mid yihiin kuwa iimaankoodu wasakhda yahay, kuwa af xumada badan, kuwa beenta yaqaanna, iyo guud ahaanba shaqadan siyaasadda lafteeda ee beenta ah.

Cidda uu siyaasiga dimuqraadiyad lagu soo doortay daacadnimada dhabta ah u hayo, si run ahna ugu abtirsadaa ma’aha xisbiga, xitaa ma’aha mabaadii’da lagu soo doortay, balse waa hab-raacan musuq-maasuqa lagu kasban karo ee siyaasadda la yidhaahdo. Sidaa awgeed waa tan taladayda ugu dambaysaa:

Siyaasaddu ma’aha jid qudhun ah oo lagu gaadho ujeedo la leeyahay uun, balse waa nolol iskeed marka ay tahay sharaf badan, illaa aad jeclaatana (Siyaasadda) aanad si fiican waxba uga qaban karin. Anigu guul kama aan gaadhin, laakiin adiga waxa aan kuu rajaynayaa in aad ka gaadhi doonto. Dhammaad