Guddiga Doorashada Oo Iclaamiyay Maalmaha Laga Yaabo Inay Natiijada Ku Dhawaaqaan

26
3901

Hageysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka ayaa iclaamiyay saddex maalmood oo ay suurtogal tahay inay ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxtooyada.

Afhayeenka guddiga doorashada Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay inay suurtogal tahay in guddigu natiijada ku dhawaaqaan maalmaha 16 November, 17 November ama 18 November, “Waxay noqon karaan maalmo ay suurtogal tahay in natiijada lagu dhawaaqo.” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.

Geesta kale, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ka digay in la faafiyo warar ku tidhi ku teen ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtooyada oo aan iyaga ka soo bixin. “Waa masiirkii qaranka, waa doorasho madaxweyne, markaas si taxadar leh oo aanay wax inagaga soo noqon ayaan hawsha u wadaynaa, idinkana waxaan idinka codsanaynaa inaad nala jaanqaadaan oo hanaga degdegina.” ayuu yidhi Mr. Iimaan oo intaas raaciyay “Waxayagu way furanyihiin ee furnaanshahaas yaan khalad looga faa’iidaysan, ma odhanayno ciddi yaanay soo gelin oo ciddi helin, goobta muraaqib ayaa u jooga xisbiga, waanu qoraayaa, laakiin isu gaynta degmada iyo goalka midna lama garan karo.”

Isagoo shacabka la hadlaya wuxuu yidhi “Waar umadu yaanay naga dheeraynaynin, haadaan haku ridina rajadaan lahayn, haddii aad naga dheeraysaan rajadu way baabaysaa, haddii imika xisbi damaashaad sameeyo khalad ayaa ku dhacaya waynu tacab khasaaraynaaa, yaanu wax inaga muraxsanin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here