Ganzalo Higuain Oo Doorbiday Inuu Ku Biiro kooxda Juventus Isagoo Tijaabada Caafimaadkana Ka Gudbay Shalay.

0
343

higuainJuventus ayaa dhamaystirtay heshiiska xidiga Reer Argentina iyo kooxda Napoli ee Higuain kaas oo ay kula soo wareegtay adduun gaadhaysa €94.7 milyan oo Euro.

Xidigan ayaa hore waxaa hore u xiisaynayey kooxaha PSG iyo Arsenal, balse kooxda Juventus ayaana sidaasi kaga qaaday saxeexa weerar yahankii Napoli ee Higuain. Xidigan ayaana dhaliyey 36 gool isagoo noqday xiidgii ugu goolasha badnaa horyaalka Seria-A.

Duhurnimadii shalay ayaa wakaalda wararka ciyaaraha ee Sky Italia iyo Dhamaan warbaahinta Talyaanigu ay cadeeyeen inuu Higuain soo gaadhay magaalada Torino si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxda Juventus oo  raadcaynaysay.