Difaca kooxda Arsenal Per Mertesacker Oo Dhaawacmay Kulankii Saaxiibtinimo Ee Lens.

0
341

hi-res-bae59da13f096063ce646a89ef14b58d_crop_northDifaaca kooxda Arsenal Per Mertesacker ayaa dhaawac dhanka jilibka ahi soo gaadhay kadib kulankii ay barbaraha la galeen kooxda Lens, balse haatan laguma darin liiska ciyaar yahanada safan doona kulamada fasaxa ee USA.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in 31-jirkan  aanu la safrin dhibaato dhanka jilibka ah darteed, inkastoo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin warkaasi.

Dhanka kale wariye caan ah kana tirsan jariiradda El Confidential ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray in Per Mertesacker uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan shan bilood.

Arsenal ayaa wajahi doonta Liverpool kulanka ugu horeeya ee horyaalka iyadoo ay ka maqan yahiin: Gabriel, Koscielny iyo Mertesacker, waana wax halis ku noqon kara hadii aanay kooxdu lasoo wareegin intaasi difaac xoogan.