Cristian Ronaldo oo booqday Garooon diyaaradeed oo isaga loogu Magac-daray

0
280

7121Cristiano Ronaldo waa shakhsiga ugu magaca weyn ee ka soo jeeda jasiiradda Madeira ee waddanka Portugal, waxaana Jimcihii ka dhacay halkaas isbeddel weyn.

Garoonka diyaaradaha ee gobolkaas ugu weyn ee Madeira, ayaa magacii laga beddelay, waxaana loo bixiyey Cristiano Ronaldo oo lagu sharfay.

 

Miguel Albuqurque oo ah madaxweynaha dawladda goboleedka Madeira, ayaa ahaa shakhsiga ansixiyey isbeddelkan, isla markaana ku dhawaaqay.

Ronaldo oo wali ku jira kasoo kabashada dhaawac gaadhay ciyaartii finalka Euro 2016, ayaa ka qayb-galay munaasibadda, waxaana wajigiisa ka muuqatay farxad iyo in uu la dhacsan yahay in garoonka diyaaradaha ee gobolkiisa magaciisa loo bixiyey.